Tababaraha Xulka England Oo Magacaabay Xiddiga Uu Xulku Ku Dhibaatoonayo In Uu Buuxiyo Booskiisa Euro 2024.

Tababaraha xulka Qaranka England ee Gareth Southgate ayaa sheegay xiddiga uu xulka England ku dhibaatoonayo in uu buuxiyo booskiisa.

Xulka England ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulmay xulka Denmark kulan ka tirsanaa tartanka Euro 2024.

Waa kulankii 2-aad ee uu xulka England soo bandhigo qaab ciyaareed xun inkasta oo ay badiyeen kulankoodii 1-aad.

Gareth Southgate ayaa sheegay in uu xulka England ku dhibaatoonayo in ay buuxiyaan booska xiddiga Kalvin Philips.

Kalvin Philips ayaa ka maqan xulka kadib markii uu qaab ciyaareed liita soo bandhigay kadib markii uu ku biiray Man City.

“Waan ognahay in aanan haysan beddelka dabiiciga ah ee Kalvin Phillips. Waxaan isku dayeynaa waxyaabo kala duwan”ayuu yidhi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More