Shaxda Leicester vs Manchester United

Manchester United ayaa ku sugan King Power Stadium oo ay marti u yihiin Kooxda kaalinta labaad ee Leicester City, tababare Ole Gunnar Solskjär ayaa haysta shax adag oo uu ku kalsoon yahay in uu sugi doono saddexda dhibcood.

Laakiin tababare Brendan Rodgers ayaa soo saaray hubkiisa ugu halista badan si uu ugu guuleysto ciyaarta, waxaana hogaaminaya weeraryahanka reer England Jamie Vardy, kaasoo dhaliyay 11 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan.

Leicester, oo horey uga shakisneyd in Vardy uu ku maqnaan doono dhaawac muruqa ah, ayaa qaab ciyaareed ku jira laakiin waxaa ka maqnaan doona daafaca Caglar Soyuncu, kaasoo dhaawacmay bilowgii xilli ciyaareedkan laakiin la filayo inuu ciyaaro kulanka Crystal Palace Isniinta soo socota. Ricardo Pereira ayaa sidoo kale maqan.

Manchester United ayaa dhaawacyo waqti dheer ah ku heysata daafacyada Phil Jones iyo Marcos Rojo, laakiin Scott McTominay ayaa soo laabtay, halka Aaron Wan-Bissaka, oo dhaawac muruqa ah ka soo gaaray Leeds United isla markaana aan ku jirin kulanka Everton.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kusoo bilaabay Marcus Rashford, Anthony Martial iyo James kulankii Leeds. Khadka dhexe waxaa wadaagaya McTominay, Fred iyo Fernandes.

Difaaca midig, Wan-Bissaka waxaa lagu bedelay Bailly, halka Lindelof iyo Maguire ay dhexda ku jiraan Shawna bidix.

Mason Greenwood ayaa kursiga keydka la fadhiya Edinson Cavani, Van de Beek, Lingard, Pogba, Matic, Telles, Tuanzebe iyo Henderson.

Shaxda rasmiga ah ee labada koox

Safka Man United: De Gea, Lindelof, Bailly, Maguire, Shaw; McTominay, Fred; Fernandes; Rashford, Martial, James.

Kaydka: Henderson, Tuanzebe, Telles, Matic, Pogba, Lingard, Van de Beek, Greenwood, Cavani.

XI Leicester City: Flattery; Justin, Fofana, Evans, Castagne; Ndidi, Tielemans; Albrighton, Maddison, Barnes; Vardy.

Kaydka: Ward, Thomas, Amartey, Fuchs, Mendy, Choudhury, Praet, Perez, Iheanacho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More