Sawiro Laga Naxay Oo Ku Saabsan Cayilka Willian Oo Baraha Bulshada Ku

Sawirada Willian ee kulankii ugu danbeeyay ee saaxiibtinimo ee Arsenal ayaa noqday kuwa si weyn ugu faafay baraha bulshada iyadoo ciyaaryahanka uu u muuqday mid naaxay oo calool ay ka soo baxday islamarkaana aan taam u aheyn sidii hore.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa Twitter kaga falceliyay sawirada William iyagoo fursad u helay inay ku maadsadaan taageerayaasha Gunners ee difaacayay xiddiga reer Brazil.

Tan iyo markii uu Willian ku biiray xagaagii hore isagoo si xor ah uga soo wareegay Chelsea wuxuu ku dhibtooday inuu dib u helo qaab ciyaareedkii uu ku soo bandhigi jiray Stamford Bridge isagoo kooxda Arsenal u dhaliyay kaliya hal gool 37 kulan uu u saftay.

In lagu soo bilbaabay shaxda kooxda kulankii saaxiibtinimo ee ugu danbeeyay ayaa ka yaabiyay taageerayaal badan oo Arsenal ah madaama ay soo baxayeen warar sheegaya in Arsenal ay iska iibineyso ciyaaryahanka.

Si kastaba, weli taasi waa ay dhici kartaa ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Willian is clearly retiring soon.. what’s happening to the once upon a time a deadly winger pic.twitter.com/qZ7SX5Axkc

— The thinker man (@kwekuedilson) July 14, 2021

Willian ayaa cayilay intii uu fasaxa ku maqnaa waxaan ka soo baxday calool dheer isagoo sidoo kale ku dhex dhumay kulankii saaxiibtinimo oo ay Arsenal guuldarro 2-1 ka soo gaartay kooxda reer Scotland ee Hibernian.

Qalad xun uu sameeyay goolhayaha Arsenal Arthur Okonkwo ayaa ku hogaamiyay goolka furitaanka kooxda Hibernian ka hor inta aysan kooxda reer Scotland helin goolkoodii labaad daqiiqadii 69aad.

Emile Smith Rowe ayaa gool u soo celiyay dhamaadkii ciyaarta si kastaba guuldarro ayay la hooyatay Arsenal.

Willian’s been on the Eden Hazard diet during the off-season ??? pic.twitter.com/ip0iCvo7xm

— Footy Humour (@FootyHumour) July 14, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More