“Saddex Koob Ayaan Kula Soo Guuleystay Man United, Waxa Aniga

Tababaraha cusub ee kooxda AS Roma ee Jose Mourinho oo dhawaan qabtay shirkiisa jaraa’id ee ugu horreeyay ee kooxdaas ayaa u muuqday mid duray kooxihiisii hore ee Manchester United iyo Tottenham.

Tababaraha Portuguese-ka ah ayaa heshiis saddex sano ah qalinka ugu duugay Roma waxaana saxaafada markii ugu horreysay loosoo bandhigay shalay oo Khamiis ahayd.

Doorkaas ayuu Mourinho ku fadhiisanayaa kaliya bilooyin kaddib markii laga caydhiyay shaqada Tottenham walow uu maalmo kaddib markaas ciyaar Final-ka Carabao Cup ah kula balansanaa Man City.

Mourinho ayaa aaminsan in wakhtigiisii Tottenham uu ahaa mid midho dhal leh marka loo eego heerka kooxdaas isaga oo diiday aragtiyaha ah inuu wakhti xun ku qaatay halkaas.

Dhinaca kale Mourinho ayaa la eedaynayay wakhtigiisii Manchester United walow uu saddex koob kula soo guuleystay waxaana uu ku dooday in waxa isaga lagu eedeeyo ay tababarayaal kale guul u yihiin.

Mou ayaa yidhi “Saddex koob ayaan kula guuleystay Manchester United taasna waxa loo arkayay musiibo, Final aan la ii ogolaan inaan ciyaaro ayaan ku gaadhay Tottenham, taasna waxa loo arkayay musiibo, waxa aniga musiibo igu ah ayaa kuwo kale guul weyn loogu tixgeliyaa”

“Anigu halkan magaalada (Rome) darteed umaan iman….waa mid cajiib ah oo qurux badan laakiin Rome anigu fasax uma joogo sidaas darteed 4-ta galabnimo ayaanu tababarka bilaabaynaa….bye”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More