GO’AAN: Jurgen Klopp Oo Liverpool U Sheegay Go’aanka Uu Ka Gaarey Soo

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo warramayaa inuu ku gacan saydhay wararka sheegaya inuu kooxdaas dib ugu soo celinayo Philippe Coutinho oo saddex sano iyo badh kahor kaga tagay Anfield.

Barcelona ayaa dhexda kaga jirta xaalad dhaqaale ahaan adag waxaana ay u baahantahay inay 175 Milyan oo euro oo mushaharaadka ay bixiso ah meesha ka saarto si ay heshiis cusub uga saxeexato Lionel Messi oo bishii hore qandaraaskiisii kooxdu dhacay.

Iyagoo aad uga fikiraya sidii ay u yarayn lahaayeen mushaharka ay bixiyaan ayay muhiimadooda koowaad tahay inay iibiyaan xiddigaha mushaharka badan ka qaata waxaana kamida liiskaas Philippe Coutinho, xiddiga ree Brazil ayaa kooxda ku dhibtoonaya tan iyo markii uu heshiiska 143-ka Milyan ah ugu biiray kooxdaas.

Liverpool ayaa noqon lahayd dookha ugu haboon ee Coutinho iyadoo ay Barca ilaa haatan kooxdaasi siiso lacagihii gunnooyinka ahaa ee shuruudaha heshiiskii Coutinho ku xidhnaa.

Laakiin heshiiskaas ayaan qabsoomi doonin sida uu sheegayo wargeyska Sport kaas oo sheegaya in tababare Klopp uu albaabada ka xidhay aragtida ah inay dib ula soo saxeexanayaan Philippe.

Qaabkii uu 29 sano jirkaasi uga baxay Anfield ayaa ahaa mid aysan jeclaysan cid kasta oo Liverpool xidhiidh la lehi maadaama oo uu isagu kooxda si cad uga dalbaday in la fasaxo waana sababta aysan layaabka u lahayn in Klopp uusan soo laabashadiisa rabin.

Waxa jira tiro kooxo ah oo badan kuwaas oo lala xidhiidhinayo saxeexa Coutinho balse waxa laga war sugi doonaa haddiiba ay Barca awoodi doonto inay koox u hesho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More