YAAB: Waxa Ay Ka Yeeshay Barcelona Mushaharka Memphis Depay Oo Dhawaan

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa ku qasbanaatay inay mushaharka Memphis Depay oo toddobaadyo kahor kusoo biiray dhinto 30% taas oo muujinaysa sida ay xaalad aad u adag oo dhaqaale kooxdaasi ugu jirto.

Depay ayaa Barcelona ugu soo biiray qaab bilaash ah isaga oo heshiis laba sano ah u saxeexay waxaana uu liiska saxeexyada cusub kula biirayaa Sergio Aguero, Eric Garcia iyo Emerson Royal.

Haatan sida ay wararku sheegayaan Barcelona ayaa gaadhay heerka mushaharka ugu sarreeya ee ay koox La Liga ahi bixin karto waana sababta loo diiday in loogu diiwaan geliyo saxeexyada cusub.

Depay ayaa mudo dheer lala xidhiidhinayay inuu ku biirayo Barcelona waxaana uu dhawaan oo si rasmi ah loo shaaciyay heshiiskiisa kooxdaasi dib ugula midoobay tababarihiisii xulka Holland ee Ronald Koeman.

Heshiiska uu Camp Nou kusoo gaadhay 26 sano jirkaasi ayaa ahaa mid uu mushahar ahaan 6 Milyan oo pound oo gunnooyin lagu daray ku qaadanayo sanadkii.

Si kastaba, iyadoo ay dhaqaale ahaan liidato Barca, kooxda ayaan haatan wax ka badan 5 Milyan oo pound siin karin Memphis.

Sida uu sheegayo wargeyska Goal, Depay ayaa ku faraxsan inuu mushahar dhimistaas sameeyo si uu u caawiyo kooxdiisa cusub. Barca ayaa talaabooyin badan u qaadaysa si ay u dhinto mushaharaadka ay bixiso iyadoo xiddigaha qaar ku qasbaysa bixitaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More