SAADAASHA Sky Sports activities Ee Premier League Toddobaadkan & Aragtida Kulanka

Khabiirka kanaalka Sky Sports activities ee Jones Is aware of ayaa dhiibtay saadaashiisa kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan oo ah usbuucii 35-aad isla markaana ay ku jiraan kulamo badan oo muhiim ahi.

Metropolis ayaa soo dhawayn doonta Chelsea, kulankaas oo ah hordhaca Remaining-ka Champions League oo ay labadaas kooxood ku balansan yihiin 29-ka bishan ayay Sky Blues haddii ay badiyaan horyaalka u dabaaldegi doonaan.

Aan ku bilawnee Jones Is aware of ayaa ka farxiyay kooxaha tartanka kaalmaha Champions League loogu soo baxo ku jira isaga oo qaba in Leicester ay caawa dhibco ku lumin doonto ciyaarta Leicester.

Is aware of ayaa taas bedelkeeda qaba in Tottenham ay berrito guul kasoo gaadhi doonto kooxda Leeds United ee uu hoggaanka u yahay tababare Marcelo Bielsa.

Kulanka ugu adag toddobaadkan ee Metropolis vs Chelsea ayuu qabaa in dhibcaha lagu heshiin doono oo ay labada kooxood ciyaarta Etihad Stadium bar-bardhac ku kala bixi doonaan.

Kooxda dhibtoonaysa ciyaarihii ugu dambeeyay shakiguna ku jiro inay Champions League ka ciyaarayso xilli ciyaareedka dambe ee Liverpool ayuu u arkaa mid ka adkaan doonta Southampton oo Anfield ugu tagaysa.

Manchester United oo xalay gaadhay Remaining-ka Europa League ayuu qabaa inay dhibco kusoo lumin doonaan Villa Park oo ay bar-bardhac lasoo geli doonaan Aston Villa.

Sidoo kale kooxda xalay qaabka qalbi-jabka ah uga hadhay Europa League ee Arsenal ayuu u arkaa mid guul ay kaga soo kabato niyad xumadaas ka heli doonta West Bromwich.

Saadaasha Jones Is aware of ee toddobaadkan Premier League

Leicester 1-1 Newcastle United

Leeds 0-2 Tottenham

Sheffield 1-0 Crystal Palace

Man Metropolis 0-0 Chelsea

Liverpool 2-1 Southampton

Wolves 0-2 Brighton

Aston Villa 2-2 Man United

West Ham 2-1 Everton

Arsenal 2-0 West Bromwich

Fulham 1-1 Burnley

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More