Ronald Koeman Oo Shaaciyey Xiddigaha Barcelona Ee Kulanka

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Champions League ee Arbacada ay martida ugu noqonayaan Juventus, waxaana ka maqan Gerard Pique oo ganaax ah iyo Courtinho oo dhaawac ah.

Barcelona ayaa u safartay magaalada Turin oo ay Arbacada isku haleeli doonaan Juventus garoonka Allianz Stadium oo aanay waligood guul kasoo gaadhin kooxda reer Spain. Laga soo bilaabo xili ciyaareedkii 1970/71kii oo ay ku wada ciyaareen Koobkii loo yaqaanay Fairs Cup illaa ciyaartoodii ugu dambaysay ee Champions League ee xili ciyaareedkii 2017/18, Barcelona waxay kala soo kulantay magaalada Turin ee ay Juventus ugu tagtay saddex guul-darro iyo saddex barbarro ah.

Gerard Pique ayaan ciyaartan qayb ka noqonayn oo kaadh cas la siiyey ciyaartii Ferencvaros ay kooxdiisu ku garaacday usbuucii hore, waxaana liiska maqaneyaasha ku wehelinaya Philippe Coutinho oo ciyaartii Clasico ee Real Madrid ee Sabtidii uu dhaawac kasoo gaadhay.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda Barcelona aan ku jirin oo ka maqan goolhaye Marc-Andre ten Stegen iyo Samuel Umtiti oo dhaawac ah.

Dhaawacyadan iyo ganaaxa Pique waxay uga dhigan tahay Koeman inuu haysto laba difaac dhexe oo kaliya, kuwaas oo ah Clement Lenglet iyo Ronald Araujo. Mattheus Fernandes ayaa sidoo kale uu tababaraha reer Netherlands ka reebay liiska kooxdiisa ee kulankan.

Goolhaye Neto oo hore ugu ciyaari jiray Juventus ayaa fursad u heli doona inuu tuso kooxdiisa  hore tayadiisa ciyaareed iyo inay iska lumiyeen hanti qaali ah, iyadoo uu ka faa’iidaysan doono maqnaanshaha Ter Stegen.

Liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka Juventus:

Dest, Araujo, Sergio Busquets, Alena, Griezmann, Pjanic, Braithwaite, Messi, Dembele, Riqui Puig, Neto, Lenglet, Pedri, Trincao, Jordi Alba, Sergi Roberto, De Jong, Ansu Fati, Junior Firpo, Inaki Pena, Arnau Tenas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More