Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Lokomotiv vs. Bayern Iyo
Inter Milan ayaa guushii ugu horreysay ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ka raadinaysa waddanka Ukraine oo ay marti ugu tahay Shakhtar Donetski oo usbuucii hore 3-2 kusoo garaacday Real Madrid, waxaana uu tababare Antonio Conte oo barbarro 2-2 ah kula soo galay magaalada Milan kooxda Borussia Mochengladbach uu u halgami doonaa inuu guul kusoo helo safarkiisa.
Antonio Conte ayaa kusoo bilaabay shax ay hoggaaminayaan weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez iyo dhaliyaha reer Belgium ee Romelu Lukaku, kuwaas oo ay khadka dhexe kasoo taageerayaan Barella, Ashley Young, Vidal iyo Brozovic.
Difaaca ayaa uu Conte u xushay inay kulankan adag u babbac-dhigaan D’Ambrosio, De Vrij iyo Bastoni, halka Achraf Hakimi hore loogu riixay garabka weerarka illaa difaaca iyo dhexdana uu caawin doono si uu naadiga uga caawiyo inay culays saaraan kooxda reer Ukraine.
Christian Eriksen ayaa kaydka kala soo muuqda xiddigaha Perisic, Nainggoland, Vezzoni, Kolarov, Stankovic iyo Darmian, waxaase aan garoonkaba joogin Alexis Sanchez.
Kulankan oo uu dhexdhexaadin doono garsooraha reer Bulgaria ee Kabakov ayaa waxa Shakhtar ay hoggaaminaya xiddigihii Real Madrid kasoo yaabsaday ee Tete, Marlos iyo Solomin, waxaase isagana la eegi doonaa shaqada uu la yimaaddo Dentinho.
Shaxda rasmiga ah ee kulanka Shakhtar Donetsk vs Inter Milan:
Shakhtar Donetsk: Trubin; Dodò, Khocholava, Bondar, Korniienko; Maycon, Marcos Antonio; Tete, Marlos, Solomon; Dentinho
Kaydka: Shevchenko, Pyatov, Stepanenko, Taison, Alan Patrick, Matviyenko, Vakula, Marquinhos, Vitao, Bolbat, V’Yunnik, Sudakov
Inter: Handanovic; D’Ambrosio, De Vrij, Bastoni; Hakimi, Brozovic, Vidal, Young; Barella; Lukaku, Lautaro Martinez
Kaydka: Padelli, Stankovic, Kolarov, Ranocchia, Perisic, Eriksen, Darmian, Moretti, Nainggolan, Vezzoni, Bonfanti, Pinamonti.
Dhinaca kale, Bayern Munich oo koobka difaacanaysa ayaa kulankeedii furitaanka Champions League waxay 4-0 ku xasuuqday Atletico Madrid, waxaanay caawana diyaar u tahay inay ku celiso guul weyn oo ay kasoo hoyso kooxda Ruushka ah ee Lokomotiv Moscow.
Tababare Flick ayaa xiddigihiisa waaweyn kusoo bilaabay, waxaana hoggaaminaya Robert Lewandowski, Muller iyo Coman.
Shaxda rasmiga ah ee Bayern Munich vs Lokomotiv Moscow:
Bayern Munich XI: Neuer, Sule, Alaba, Pavard, Kimmich, Goretzka, Hernandes, Tolliso, Muller, Coman & Lewandowski
Here’s Lokomotiv team for today’s @ChampionsLeague clash with @FCBayern ?#FCLM pic.twitter.com/kwbuAFAwKh
— FC Lokomotiv Moscow (@fclokomotiv_eng) October 27, 2020