Robert Lewandowski Oo Dhaawac Ku Seegaya Bilowga Euro 2024.

kooxda Barcelona Robert Lewandowski ayaa seegi doona kulanka ugu horreeya ee Poland ee Koobka Qaramada Yurub, kaasoo la ciyaari doono Axada lana ciyaari doonaan xulka Netherlands.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegay in weeraryahanka Barcelona uu isniintii isaga baxay ciyaartii saaxiibtinimo ee xulkiisu ay guusha ka gaadheen Turkey sababo la xidhiidha dhaawac muruqa ah. Leyva ayaa codsatay badal daqiiqadii 32-aad.

Wargeyska Isbaanishka ayaa xaqiijiyay in dhaawaca uusan aheyn mid halis ah, balse ay keeni doonto inuu seego Kulanka Axada.

ee ugu horeeya tartanka euro 2024.

Hadii uuna dhaawacu noqon mid halis ah waxa la filayaa in uu Lewandowski ciyaaro labada kulan ee kale ee xulkiisu ciyaari doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More