Rio Fernand Oo Magacaabay LABA Xiddig Oo Haddii Ay Lasoo Saxeexdaan Ay

Rio Ferdinand ayaa usoo jeediyey kooxdiisii hore ee Manchester United in aanay ka bixin suuqa iibka ciyaartoyda oo ay labada usbuuc ee ka hadhsan tahay waqtigii uu xidhmayay, waxaanu u sheegay laba ciyaartoy oo haddii ay helaan ay noqon doonaan tartameyaal dhab ah oo horyaalka ku guuleysan kara xilli ciyaareedkan.

Manchester United waxay xagaagan soo iibsatay Raphael Varane iyo Jadon Sanchyo halka ay bilaash kusoo qaadatay goolhayihii Aston Villa ee Tom Heaton.

Laakiin Fernand waxa uu rumaysan yahay in kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ay u baahan tahay in wali ay saxeexyo kale samayso oo ay iska xoojiso khadka dhexe, isagoo magacaabay labada ciyaartoy ee ay midkood ahaan u baahan yihiin.

Red Devils oo u muuqata in aanay suuqa gelin doonin lacag badan oo kale xagaagan, waxa uu Ferdinand u sheegay in ay qasnadda furaan oo ay tobannaan milyan oo kale kasoo saaraan, si ay u noqdaan koox dhinac walba ka dheelli tiran.

“Waxay ila tahay, in haddii ciyaartoyga saxda ah lagu heli karayo qiimo sax ah, in Ole Gunnar Solskjaer uu lasoo saxeexan doono.” Ayuu yidhi Ferdinand oo ka hadlayay bartiisa YouTube-ka ee FIFA YouTube Channel.

Waxa uu intaa ku daray isaga oo magacaabaya ciyaartoyda: “Dhibaatadu waxay tahay booska iyo ciyaartoyga ku wanaagsan. Saul Niguez ayaa ah ciyaartoyga ku habboon, waxaana qiimihiisa sannado ka hor lagu sheegay £160 milyan, laakiin hadda waa ilaa £40-50.

“Waa qiime macquul ah marka aad eego ciyaartoy isaga oo kale ah oo khibrad u leh Champions League. Anigu taageere ayaan u ahay. Haddii aad heli karaysaan suuqa xagaagan, waa in aad doonataan.

“Waxa kale oo kooxda wax weyn u noqon lahaa Declan Rice. Aad ayaan u taageeraa, waanan jecelahay in aan arko isaga oo sii wada horumarka uu samaynayo.

“Waa ciyaartoy xulka England ku cadcaddaa xagaagan, haddii ay kooxdiisu ku dhegtana si fiican ayaan u rumaysanahay in aan la heli karaynin. Haddii uu joogo West Ham iyo haddii kale wuu fiican yahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More