Rikoodh Jabiye Sergio Ramos Oo Labo Rigoore Qasaariyay &

Weeraryahanka Spain Gerard Moreno oo bedel ku soo galay ayaa Spain u dhaliyay gool kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen xulka Switzerland ee koobka UEFA Nations League.

Sergio Ramos oo noqday xiddigii ugu safashada badnaa xulalka Yurub isagoo jabiyay rikoodhkii halyeeyga Talyaaniga Gigi Buffon isagoo saftay kulankiisii 177aad.

Xulka Switzerland oo marti loo ahaa ayaa goolka ku hormaray markii uu shabaqa u soo taabtay qeybtii hore ee ciyaarta Remo Freuler, laakiin Spain ayaa u muuqata mid barbareyneysa markii rigoore loo dhigay laakiin goolhayaha Switzerland Yann Sommer ayaa rigoorada ka badbaadiyay Sergio Ramos kaasoo laga jabiyay rikoodhkiisii aan 25 rigoore oo isku xigta laga qabanin.

Waxay aheyd rigooradii ugu horeysay ee uu ku guuldareysto inuu dhaliyo tan iyo bishii May 2018, laakiin habeenka Ramos ayaa sii xumaaday markii rigoore labaad uu ka beeniyay Sommer qeybtii labaad ee ciyaarta.

Ugu danbeyn Gerard Moreno ayaa furtay kabtanka Real Madrid isagoo dhaliyay goolka barbaraha ee ciyaarta.

Germany oo ay isku group yihiin Spain ayaa 3-1 ku garaacday xulka Ukraine kuwaasoo goolka ku hormaray laakiin gool uu saxiixay Leroy Sane iyo labo gool uu dhaliyay xiddiga Chelsea Timo Werner ayay ku badiyeen xulka Jarmalka.

Kulamada kale ee la ciyaaray Sweden ayaa 2-1 ku garaacday xulka Croatia halka Azerbaijan iyo Montenegro ay barbaro goolal la’aan ah ku kala baxeen.

Xulka Cyprus waxay 2-1 kaga badiyeen xulka Luxembourg, Malta waxay 3-1 ku dubteen xulka Andorra, Latvia iyo Forea Islands waxay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More