RASMI: Tottenham Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Shaqo Ka Caydhinta Jose
Kooxda ree London ee Tottenham Hotspurs ayaa si rasmi ah u shaacisay inay xilkii tababarenimo ee kooxdeeda ka caydhisay tababare Jose Mourinho oo ay gudaha xilli ciyaareedkii hore shaqaalaysiiyeen kuna bedeleen wakhtigaas Mauricio Pochettino.
Caydhinta Jose ayaa imanaysa maalmo kahor kulanka ay Spurs Final-ka Carabao Cup kula balansanaayeen dhigooda Manchester City oo ay koobkaas Axada ku kala qaadayaan Wembley.
Warbixin rasmi ah oo ay hadda kooxdaasi soo saartay ayay ku xaqiijisay inay caydhisay Mourinho iyo dhammaan shaqaalihii ka hoos shaqaynayay.
“Kooxdu waxa ay maanta shaacin kartaa in Jose Mourinho iyo shaqaalihiisa tababarka ee Joao Sacramento, Nuno Santos, Carlos Lalin iyo Giovanni Cerra laga fasaxay shaqooyinkoodii” ayay Spurs ku shaaciyeen warbixin rasmi ah.
Bedelkiisa Tottenham ayaa tababaraha kooxdeeda ee ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka ka dhigatay Ryan Mason oo ah kaliya 29 sano jir isla markaana sanado kahor kooxdeeda u ciyaarayay isagoo uu Chris Powell kula shaqayn doono kooxda.
Ryan Mason ayaa dhawr sano kahor (2018) gabi ahaanba ka fadhiistay kubadda cagta kaddib markii uu jug culus kala kulmay daafaca Crystal Palace ahna halyeeyga Chelsea ee Gary Cahill oo madaxa wax weyn ka yeelay.
Your browser does not support the audio element.