RASMI: Garsooraha Dhex-Dhexaadinaya Kulanka Closing-ka U Dhigma Ee

Garsoore Mateu Lahoz ayaa dhex-dhexaadin doona berrito kulanka dhex maraya kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ee Camp Nou ka dhacaya iyadoo lagu xasuusto inuu dhex-dhexaadiyay ciyaartii kama dambaysta 2013-14 ahayd ee labadaas kooxood dhex martay.

Antonio Mateu Lahoz ayaa ah garsooraha lavatory doortay dhex-dhexaadinta ciyaartaas oo noqon karta mida go’aamisa kooxda La Liga ku guuleysanaysa xilli ciyaareedkan waana go’aan xusuus fiican gelinaya tababare Diego Simeone iyo kooxdiisa.

Garsoorahan kasoo jeeda Valencia ayaa ahaa midka sidoo kale ciyaartii u dambaysay xilli ciyaareedkaas 2013-14 dhex-dhexaadiyay labada kooxood iyadoo 1-1 kusoo dhammaatay sidaasna ay horyaalka ku qaaday Atletico.

Alexis Sanchez ayaa gool cajiib ah hoggaanka ugu dhiibay Barcelona bilawgii ciyaarta kahor inta uusan Diego Simeone gool madax ah bar-bardhaca kaga daba keenin Barca.

Kulanka ayaa hubaal ahaa mid muranadiisa watay, Mateu Lahoz ayaa qaybtii dambe ee ciyaartaas gool horyaalka usoo gacan gelin lahaa Barcelona ka diiday Lionel Messi.

Ilaa hadda xilli ciyaareedkan, Antonio Mateu Lahoz ayaa laba kulan qabtay ciyaaraha Barcelona, labadaas ciyaaroodba waxa guul gaadhay Barca oo 4-0 kaga badisay Osasuna mar halka ay marka kale 2-1 kaga adkaadeen Athletic Bilbao.

Atletico ayuu afar kulan usoo qabtay xilli ciyaareedkan iyaga oo saddex kamida guulo ka gaadhay Betis, Getafe iyo Granada kahor inta aysan guuldarro 2-0 ah kala kulmin Actual Madrid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More