Rashford Oo Barbareeyay Rikoodhkii Solskjaer &

Kulamo xiiso leh ayaa caawa la ciyaaray wareega group-yada Champions League iyadoo natiijooyin lama filaan ah ka soo baxeen.

Manchester United ayaa guushii labaad oo xiriir ah ka gaartay wareega group-yada Champions League iyagoo 5-0 ku xasuuqay kooxda hogaamineysa horyaalka Bundesliga ee RB Leipzig.

Marcus Rashford oo bedel ku soo galay ayaa 18 daqiiqo gudaheed ku dhaliyay seddex gool isagoo noqonaya ciyaaryahankii labaad ee abid Manchester United seddexleey u dhaliya isagoo bedel ku soo galay, iyadoo xiddigii ugu horeeyay ee sidaas sameeya uu ahaa macalinkiisa Ole Gunnar Solskjaer kaasoo afar gool dhaliyay bedel uu ku soo galay kulan ay la ciyaareen Nottingham Forest sannadkii 1999.

Rashford ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahankii shanaad ee taariikhda Champions League ee seddexleey dhaliya ka dib bedel uu ku soo galay iyadoo ay sidoo kale sidaas sameeyeen:

2019- Kylian Mbappé (PSG) ‘

2008 – Joseba Llorente (Villarreal)

2001 – Walter Pandiani (Deportivo)

1998 – Uwe Rösler (Kaiserslautern)

Rashford ayaa sidoo kale ah xiddigii labaad ee ugu da’da yaraa ee seddexleey dhaliya isagoo bedel ku soo galay ka dib xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.

Manchester United ayaa iyadana gaartay guusheedii ugu weyneyd ee Champions League ee garoonka Old Trafford muddo 13 sanno ah, ka dib markii ay 7-1 ku xasuuqeen AS Roma bishii April 2007.

Kulamadii caawa ee Champions League waxaa la dhigay todoba rigoore, waana rigoorooyinkii ugu badnaa ee hal habeen oo Champions League ah la dhigo tan iyo 21kii October 2014, markaasoo sagaal rigoore la dhigay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More