Qiimeynta Ciyaaryahanadda Ee Kulankii Ay Barcelona Dubatay

Qaab ciyaareed dhameystiran ayay Barcelona soo bandhigtay kuwaasoo ka faa’ideystay koox aan tababar badan laheyn oo Juventus ah iyagoo isku ilowsiiyay qarowgoodii El Clasico.

Guul weyn ayay u aheyd tababare Koeman laakiin su’aalo badan ayuu kulankaan dul dhigay tababare Andrea Pirlo kaasoo aan qaab fiican ku bilaabanin xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay.

Maqnaanshaha Ronaldo ayaa inoo diiday inaan daawano cutubkii ugu danbeeyay ee xafiiltanka u dhaxeeya labada xiddig ee ugu fiican dunida. Messi oo ku faraxsanaa inay iscasileen madaxdii Barcelona ayaa udub dhexaad u ahaa kulankii xalay isagoo kooxdii ku hogaamiyay guusha.

Waxay taasi ka careysiisay Ronaldo oo qasab ay ku aheyd inuu ka soo daawado gurigiisa isagoo karantiil ku jira halka ninkii ay xafiiltamayeen uu ku dabaaldegayay garoonkiisa.

Labada kooxood kale ee Group-ka kula jira uma muuqdaan kuwa Barca iyo Juve ka hor istaagi kara inay u soo baxaan wareega 16ka laakiin waxay rajadu tahay in wax uun ay miiska saaran yihiin marka Barca ay martigelineyso Juve kulanka lixaad ee Group-ka ee dhacaya 8da bisha December.

Waa fursada xiga ee aan arki karno kulan ay iska horimaanayaan Messi iyo Ronaldo.

XIDDIGA GAROONKA

Lionel Messi (Barcelona). Xiddiga reer Argentina ayaa weli ah madaxa hal abuurka Barcelona. Baaskiisa aan caadiga aheyn ayaa sabab u noqday goolkii furitaanka halka uu sidoo kale ahaa wadnaha ay ku socotay kooxda martida aheyd. Wuxuu sameyn karay caawimaadyo kale oo badan haddii xiddigaha ka garab ciyaarayay ay dhameystiri lahaayeen fursadaha uu u abuuray, laakiin isaga hadalka ku danbeeyay oo saxiixay rigooradii guusha xaqiijisay.

XIDDIGII UGU LIITAY GAROONKA

Demiral (Juventus). Wuxuu ciyaarta ku bilowday inuu kubad ku dhiibtay xerada ganaaxa isagoo u baasay Messi. Wuxuu labo jaale ku qaatay qaladaad xun xun uu ku galay xiddiga reer Argentina iyo saaxiibkiisa hore Pjanic.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

JUVENTUS: Szczesny 6, Danilo 6, Bonucci 6, Cuadrado 6, Rabiot 6, Demiral 4, Chiesa 6, Bentancur 6, Kulusevski 6, Morata 7, Dybala 6.

Bedel: McKennie 5, Arthur n/a, Bernardeschi n/a.

BARCELONA: Neto 7, Alba 7, Roberto 7, Ronald Araujo 6, Lenglet 7, Pjanic 7, De Jong 7, Pedri 8, Messi 9, Dembele 7, Griezmann 7.

Bedel: Busquets 7, Fati 6, Firpo n/a, Braithwaite

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More