Palhinha Oo Go’aan Ka Gaadhay Xiisaha Man United Kadib Markii Bayern Laga Diiday Dalab Kale.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fulham Joao Palhinha ayaa iska diidi doona inuu u dhaqaaqo Manchester United, waxaana uu doonayaa inuu ku biiro Bayern Munich xagaagan, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Germany.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa ku dhawaaday in uu ku biro Bayern Munich xagaagii hore laakiin heshiiska ayaa bur-buray.

Palhinha ayaa heshiis cusub u saxiixay Fulham kadib markii uu bur-buray heshiiskii uu ugu biirayay Bayern Munich.

Bayern Munich ayaa haatan wadahadalo kula jirta Fulham si ay u dhamaystirto saxiixa ddiga.

Fulham ayaa ilaa haatan laba dalab ka diiday Bayern Munich iyada oo doonaysa qiimo uu u qalmo xiddigu.

Man United oo ka faa’iidaysanaysa dalabka Bayern ee la diiday ayaa u dhaqaaqday saxiixa xiddiga.

Laakiin sida laga soo xigtay wargayska Sky Germany, xiddiga Khadka dhexe ayaa si cad u diiday ku biirista Man United.

Xiddiga reer Portugal ayaa kaliya doonaya in uu ku biro kooxda Bayern Munich.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More