Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Real Madrid Oo Guushii Koowaad Ee Xili Ciyaareedka Ka Heshay

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guusheedii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan waxay ka gaadhay Real Betis oo ay marti u ahayd kuna soo garaacday 3-2.Los Blancos oo koobka difaacanaysa, ciyaartii horena barbarro goolal la’aan ah kusoo kala baxeen Sociedad ayaa guushan ay u horseedeen Vede Valverde iyo Sergio Ramos oo min hal gool u dhaliyey iyo midka saddexaad oo ay iska dhaliyeen difaaca Real Betis.Labada gool ee ay Betis la timid ayaa waxa u dhaliyey Aissa Mandi iyo Willian Carvalho oo qaybtii hore min hal gool…

Ole Gunnar Solskjaer Oo Sharraxay Sababtii Uu Uga Cadhooday

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa daboolka ka qaaday inuu ka cadhooday weeraryahanka Marcus Rashford intii ay socotay ciyaartii ay Manchester United waqtiga oo dhamaaday rikoodhaha loo dhigay ee ay guusha ka gaadheen Brighton.Weeraryahanka reer England ayaa lagu dhaleeceeyey bandhig liita oo uu la yimid kulankii Crystal Palace ee toddobaadkii hore oo uu maqane jooga iska ahaa, laakiin ciyaartii Brighton ayaa uu isbeddel sameeyey, waxaana laga diiday gool uu dhaliyey.Ole Gunnar Solskjaer ayaa tibaaxay inuu jeclaan lahaa in…

Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii West Brom vs Chelsea –

Chelsea ayaa kulan musalsal ah waxay la ciyaartay West Brom oo ay ugu tagtay garoonka The Hawthorns, waxaanay ku kala baxeen barbarro 3-3 ah, iyadoo daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ah ay Blues heshay goolka ka badbaadiyey guul-darrada oo uu Tammy Abraham u saxeexay.Blues ayaa cashar loo dhigay qaybtii hore, waxaana laga dhaliyey saddex gool oo aanu waqti badan u dhaxaynin iyadoo uu qalad weyn sameeyey difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo kubbad u hadiyeeyey West Brom.Callum Robinson ayaa labada gool ee  hore u…

Chelsea Oo Barbarro Dirqi Ah La Gashay West Brom, Silva Oo

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa barbarro dirqi ah oo ay xilli dambe u dagaallantay waxay la gashay West Brom oo ay ku kala baxeen 3-3.Chelsea ayaa lagaga yaabsaday saddex gool oo darandoori ah oo 27kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ee ciyaarta ay West Brom ka dhalisay, waxaase ay isasoo habaysay qaybtii dambe oo ay iska soo celisay goolasha laga dhaliyey, hase yeeshee Tammy Abraham ayaa shimbirkooda noqday daqiiqaddii ugu dambaysayna u dhaliyey goolka u badbaadiyey dhibicda.Daqiiqaddii 4aad ayay West Brom dhalisay gool uu…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Real Betis vs Real Madird – Yaa

Real Madrid oo barbarro ku bilaabatay horyaalka LaLiga usbuucii hore oo ay Real Sociedad goolal la’aan ku kala baxeen ayaa ku sugan magaalada Seville oo ay kula ciyaarayso Real Betis, waxaanay raadinaysaa guushii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan.Los Blancos oo koobka difaacanaysa ayaa waxa uu Zinedine Zidane sameeyey isbeddel badan marka loo eego ciyaartii hore, waxaana si aan looga baranin uu safkiisa ugu soo bilaabay weeraryahanka ku dhibaataysan Los Blancos ee Luka Jovic oo ka garab ciyaaraya Karim Benzema.Da’yarka…

Solskjaer Oo Qirtay In Man United Aanay Guusha U Qalmayn,

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku kaftamay inay u fiicnayd kooxdiisa in aanu Jose Mourinho joogin Amex Stadium, kaddib markii ay kooxdiisu guul ka gaadhay Brighton oo ay saddexda dhibcood kaga qaadatay rikoodhe loo dhigay kaddib markii la yeedhiyey siidhiga dhamaadka ciyaarta.Manchester United ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee ciyaarta oo dhamaatay la amray inay dib u bilaabato oo ay rikoodhe laagato, waxaana sidaas xukumay VAR oo xilligii uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka go’aamiyey in United ay xaq u leedahay…

Thiago Silva Oo Rikoodh Qariib Ah Ka Dhigay Horyaalka

Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva ayaa  lagu daray liiska ciyaartoy naadir ah oo soo maray horyaalka Premier League, kaddib markii uu kusoo bilowday kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka ah ee uu u safto Chelsea.Thiago Silva ayaa Chelsea ugu soo biiray heshiis xor ah xagaagan markii uu dhamaaday qandaraaskiisii PSG, isla markaana uu iska diiday inuu u saxeexo heshiis uu sannad kale kusii joogi lahaa kooxda reer France.36 jirkan ayaa kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray PSG finalkii Champions League ee bishii August…

Lampard Oo Ka Hadlay Sababta Uu Keyd U Geliyay Goolhaye Kepa

Tababare Frank Lampard ayaa gaaray labo go’aan oo waa weyn kulanka ay caawa la ciyaarayaan kooxda West Brom iyagoo doonaya inay ku soo laabtaan wadada guusha ka dib guuldaradii ka soo gaartay Liverpool isbuucii la soo dhaafay.Goolhaye Kepa Arrizabalaga oo qalad sameeyay kulankii Liverpool ayaa lagu ciqaabay in loo dhaadhiciyay kursiga keydka iyadoo lagu soo bilaabay goolhaye Willy Caballero halka goolhayaha cusub Mendy uu weli kooxda tababar la qaadanin.Tababare Lampard ayaa ciyaarta ka hor la weydiiyay go’aankiisa la…

Carlo Ancelotti Oo Abuuray Koox Wacdarro Ka Dhigeysa Premier

Everton ayaa gaartay guushii seddexaad ee isku xigta ee horyaalka Premier League, waana kooxda kaliya ee ilaa iyo haatan 9 dhibcood ku hogaamineyso horyaalka ka dib markii ay 2-1 uga soo badiyeen Crystal Palace.Ka dib guulo waa weyn oo ay ka soo gaareen Tottenham Hotspur iyo West Brom, kooxda Carlo Ancelotti ayaa si cajiib ah ku bilaabatay kulankii maanta ka dhacay Selhurst Park.Everton ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 10aad markii markii Dominic Calvert-Lewin uu sii watay gooldhalintiisa isagoo shabaqa soo…

Shaxda Rasmiga Ah Ee West Brom vs Chelsea – Goolhaye Kepa Oo

Chelsea ayaa caawa marti u ah kooxda West Brom iyagoo doonaya inay wadada guusha ku soo laabtaan ka dib guuldaradii ka soo gaartay kooxda Liverpool isbuucii la soo dhaafay.Labada kooxood ayaa leh lama hami oo kala duwan xilli ciyaareedkan, Chelsea waxay u tartameysaa afarta kaalimood ee ugu sareysa halka West Brom ay u tartameyso inay ka badbaado u laabashada horyaalka heerka labaad.Laakiin sida aan aragnay kulamadii ugu horeeyay ee Premier League ee xilli ciyaareedkan, kulamada waa kuwa aan la saadaalin karin.Chelsea waxaa…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More