Neymar Oo U Sheegay Xiddigaha PSG Sida Kaliya Ee Ay Ku
Neymar ayaa u sheegay xiddigaah PSG inay u baahan yihiin inay ciyaartooda ugu fiican ku soo bandhigaan Old Trafford haddii ay doonayaan inay Arbacada ka badiyaan Manchester United kulanka Champions League.
- Advertisement -
Group H ayaa si weyn la isagu dhegan yahay iyadoo PSG iyo RB Leipzig ay labaduba lix dhibcood leeyihiin halka Man United ay sagaal dhibcood hogaanka ku hayaan.
Kooxda PSG ayaa 2-1 lagu garaacay kulankii ay Parc des Princes kula ciyaareen United bishii la soo dhaafay, waxayna ku jiraan qaab ciyaareed aan joogta aheyn.
PSG ayaa sidoo kale waxay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Leizpig balse 1-0 ayay kaga aarsadeen isbuucaan inkastoo ay Sabtidii barbaro 2-2 ah la galeen kooxda Bordeaux horyaalka Faransiiska.
Kulanka Old Trafford ayaa muhiim weyn u ah labada kooxood ee Man United iyo PSG iyagoo doonaya inay xaqiijistaan u soo bixiyaankooda wareega 16ka.
Neymar ayaana u digay xiddigaha kooxda PSG ee kulanka Old Trafford ciyaaraya:
“Waan ognahay muhiimada kulanka Champions League ee Arbacada” ayuu Neymar u sheegay TV-ga Faransiiska Canal+.
“Waa kulan muhiim weyn inoo ah oo wax walba kala go’aaminaya. Si fiican uma aan ciyaarin kulankii Leipzig laakiin waan ku guuleysanay inaan badino.
“Arbacada waxaan isku dayi doonaa inaan soo bandhigno ciyaarteenii ugu fiicneyd, waa inaan sida ugu fiican u dheelno, waxaan u baahanahay inaan meelaha qaar horumar ka sameyno, waa inaan koox ahaan u dheelno, waa inaan si fiican isku agaasino haddii kale habeen dhib badan ayay inoo noqon doontaa.”