Sababta Uu Goolhaye Bernd Leno Ugu Ciyaarayo Maaliyada

Bernd Leno ayaa lagu qasbay inuu xirto maaliyadiisa martida ee Arsenal kulanka ay haatan la ciyaarayaan kooxda Wolves.

Goolhayaha Jarmalka ayaa caadiyan xirto maaliyad midabkeeda uu cagaar yahay marka uu joogo Emirates Stadium, laakiin goolhayaha Wolves Rui Patricio ayaa isna xirta midab la mid ah.

Sharciga Premier League ayaa dhigaya inaan la ogoleyn in goolhayayaasha ay maaliyad isku midab ah ku ciyaaraan inkastoo ay labada goolhaye kala joogaan labada dhinac ee garoonka.

Wolves ayay qasab ku aheyd madaama ay yihiin kooxda martida inay maaliyada ka bedelaan goolhayahooda sida uu sharcigu qabo.

Laakiin madaama Wolves ay soo safartay ma aysan heysanin maaliyad kale oo ka midab duwan tan cagaaran taasoo la micno noqotay in Arsenal oo garoonkeeda joogta ah inay u soo bixiyo goolhayahooda maaliyada martida.

Leno ayaa xiran haatan maaliyada martida ee cadaanka ah ee leh xariiqmaha cas halka goolhayaha reer Portugal ee kooxda Wolves Patricio uu xiran yahay maaliyadiisa koowaad ee cagaaran.

Waqtigaan aan warbixintaan qoreyno waxaa 2-1 ku hogaamineysa kooxda martida ah ee Wolves.

Wolves ayaa hogaanka u qabatay daqiiqadii 27aad iyadoo uu shabaqa u soo taabtay Pedro Neto laakiin daafaca reer Brazil Gabriel ayaa u barbareeyay Arsenal seddex daqiiqo ka dib iyadoo Wolves ay mar kale hogaanka la wareegtay  daqiiqadii 42aad markii uu shabaqa soo taabtay Daniel Podence.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More