Antoine Griezmann Oo Shaaciyay Qofkii Kula Taliyay Inuu
Antoine Griezmann ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa fiican iyadoo Barcelona ay 4-0 ku xaaqday kooxda Osasuna maanta. Waxa uu soo bandhigay sababtii ay Barcelona uga soo bixiso in ka badan 100 milyan isagoo dhaliyay gool islamarkaana caawiye ka noqdo goolkii Philippe Coutinho.
Haddii si kooban loo yiraahdo, qaab ciyaareedkan wuxuu ahaa midkii ay taageerayaasha Catalans ka sugayeen Griezmann.
Griezmann ayaa ciyaarta ku dhameystay isagoo faraxsan oo kaamirada horteeda kula kaftamaya Coutinho. Waa markii ugu horeysay oo uu shabaqa u soo taabto Barcelona labo kulan oo isku xigta isagoo sidoo kale gool dhaliyay kulankii Champions League ee Dynamo Kyiv.
Wadar ahaan waxa uu dhaliyay afar gool lixdii kulan ee ugu danbeysay isagoo hal gool kaliya dhaliyay 19kii kulan ee ka horeeyay.
“Waxay aheyd guul muhiim ah sababtoo ah kuwa kaalimaha sarre ku jira waa ay sii guuleysanayaan, waana inaan u dhawaano iyaga” ayuu yiri Griezmann.
“Waan ognahay in xilli ciyaareedka uu dheer yahay, waxaan dooneynaa inaan horyaalka qaadno. Markii aan arkay qaabka aan ciyaarnay Champions League iyo sidoo kale maanta, waxaa jira sababo ina aaminsiinaya inaan gaari karno yoolkeena.”
Griezmann ayaa goolkiisa ugu dabaaldegay si cusub, isagoo gacmaha madaxa saartay islamarkaana sameeyay qoob ka ciyaarka ciyaar gacmeekda Fortnite.
Wuxuu sharaxaad ku bixiyay inay taasi aheyd fekradaha gabadhihiisa.
“Saaka, waxaan la quraacanayay gabadheyda, waxaana weydiiyay sida ay jeclaan laheyd inaan u dabaaldego haddii aan gooldhaliyo” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Waxay ii sheegtay inaan sidaas sameeyo, dabaaldegaana sidaas ayuu ku yimid.”