Muxuu Solskjaer U Sheegay Marcus Rashford Markii Uu Garoonka

Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes ayaa loo xil-saaray inay dhamaystiraan oo ay buuxiyaan gol-daloolooyinkii kooxdooda ee saacaddii ugu horreysay kulankii RB Leipzig ay guusha weyn kaga gaadheen.

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku qaabishay RB Leipzig, waxaana gool u dhaliyey qaybtii hore da’yarka Mason Greenwood, waxaase Leipzig ay isku dayaysay inay hesho goolka barbarraha iyadoo culays saaaraysay Red Devils.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa daqiiqaddii 63aad guud ahaan beddelay qaab ciyaareedkii kooxdiisa markaas oo uu soo wada geliyey Marcus Rashford iyo Scott McTominay, waxaana shan daqiiqadood kaddib uu keenay Bruno Fernandes oo isaguna soo nastay.

Rashford ayaa laba saddexlay dhaliyey, mid kalena waxa ku daray Anthony Martial, halka uu bilowgiina gool usii saxeexay Mason Greenwood, taas oo United siisay guul weyn oo 5-0 ah.

Xiddiga saddexlayda 16ka daqiiqadood ku dhaliyey ee Marcus Rashford ayaa daboolka ka qaaday wixii uu tababarihiisa Solskjaer usoo sheegay markii uu ciyaarta soo gelayay, waxaanu yidhi: “Tababaruhu wuxuu noo sheegay in aanu ciyaar sarraysa oo cadaadis leh la nimaadno.

“Aniga waxa uu si gaar ah iigu sheegay inaan afka hore shaqada ka qabto. Waxa jiray meelo ay caddayd inay bannaayeen, waxaananu maamulnay inaanu helno baasaska. Bruno iyo Paul ayaanu kubadda ka helaynay, afka horena waxa ordayay Anto (Martial). Waxa aanu u muuqanay halis iyo inaanu dhalinayno mar kasta oo aanu afka hore tagno.”

Saddexda gool ee uu dhaliyey Rashford oo kaliya ay u dhexeeyeen 16 daqiiqadood ayaa United siiyey inay kaalinta koowaad kaga jirto Group-kooda iyagoo haysa lix dhibcood iyo lix gool, halka PSG ay labaad soo gashay oo ay saddex dhibcood iyo hal gool ka leedahay iyo RB Leipzig oo saddex dhibcood haysata laakiin lagu leeyahay goolal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More