Muxuu Ahaa Kulankii Dhawaan Dhex Maray Gerard Pique, Madaxweynaha

Kaliya lix toddobaad kahor markii aan la shaacin tartanka European Tremendous League ee aysan kubadda cagtu khal-khalka gelin, daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa la sheegay inuu goob laga cunteeyo oo caan ka ah magaalada Barcelona kula kulmay madaxweynaha UEFA ee Aleksander Ceferin.

Wargeyska RAC1 oo xogtaas bixiyay ayaa sheegay in Pique oo kamid ah xiddigaha kubadda cagta kuwooda ugu hanka iyo hammiga sarreeyaa uu arrimo ganacsi kala hadlay Ceferin.

RAC1 ayaa sheegaya in Gerard Pique uu ahaa mid xiisaynaya kalana hadlay madaxweynaha UEFA wax ku saabsan xuquuqda baahinta kulamada Champions League iyo tartamada kale ee UEFA maamulaan.

Pique iyo madaxweynaha UEFA ayaan kali ku ahayn kulankaas balse waxa sidoo kale xilli dambe u yimid madaxweynaha cusub ee Barcelona ee Joan Laporta.

Pique ayaa sidoo kale ah mulkiilaha kooxda FC Andorra oo uu dhawaan iibsaday isla markaana uu doonayo inuu usoo dalacsiiyo horyaalka La Liga isagoo dhinaca kale sanado kahor sheegay inuu noqon doono madaxweynaha mustaqbalka ee kooxdiisa.

Wargeyska ayaa intaas ku daraya in kulanka dhex maray saddexdaas shaqsi uu ahaa mid arrimo ganacsi oo kaliya ah iyadoo Ceferin uu markaas hayay wer-werka European Tremendous League oo markaas shaqsiyaadkii ku dhawaaqay ay qorshihiisa wadeen.

Haatan aragtida Ceferin uu wakhtigaas ka qabay ESL ayaa ah mid sidii gabi ahaanba ka duwan isaga oo wakhtigan ka fikirayaa nooca ganaax ee culus ee uu kusoo rogi doono 12-kii kooxood ee ka qayb galaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More