Arsenal Oo Xiddig Chelsea Lasoo Saxaaxanaysa, Man United Oo

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa gabogabo kusii dhow, waxayna kooxaha wali uu kusii jiro damaca ay ciyaartooyo cusub kula soo saxeexanayaan ay haystaan fursado kooban oo saacado ah oo ay kaga soo faa’iidaysan karaan, si ay iskugu xoojiyaan xili ciyaareedkan socda.

Kooxaha qaar ayaa ka dhamaaday suuqa iibka oo lasoo wareegay ciyaartoydii ay doonayeen, kuwo kale ayaanay wali fari ka  qodnayn oo ku raad-joogaya xiddigaha ay doonayaan illaa daqiiqadda ugu dambaysa, halka kooxo kalena ka shaqaynayaan sidii ay u iibin lahaayeen ama amaah ugu bixin lahaayeen laacibiinta aan manfaca badan u lahayn ama dheeraadka ku ah safkooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Axad ah:

Arsenal ayaa diiraddeeda  u leexisay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Jorginho oo 28 jir ah, kaas oo ay ku doonayso in heshiis amaah ah ay kusoo qaadato saacadaha kooban ee ka hadhay suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan. Gunners ayaa joojisay xiisihii ay u qabtay kubbad-sameeyaha Lyon ee Hossem Aouar oo 22 jir ah. (ESPN)

Laacibkta Tottenham ee Ryan Sessegnon oo 20 jir ah ayaa kusii jeeda kooxda horyaalka Germany ee Hoffenheim. (Mail)

Newcastle United, West Ham United iyo Crystal Palace ayaa ku tartamaya saxeexa laacibkii hore ee Arsenal ee Theo Walcott oo u ciyaara Everton, laakiin aanay muuqanin inuu boos ka heli doono kooxda tababare Ancelotti. (Teamtalk)

Manchester City ayaa qorshaynaysa inay dhexda u gasho heshiiskii Manchester United qarka u saarnayd ee Alex Telles, waxaana Pep Guardiola iyo kooxdiisu ay dalab xilli dambe ah gaadhsiiyeen FC Porto si ay ula saxeexdaan 27 jirkan reer Brazil. (90min)

Chelsea waxay iska diidday dalab amaah ah oo uga yimid Bayern Munich oo ka doonaysay Cllum Hudson-Odoi oo 19 jir ah, kaas oo ay la socotay doorasho ah in £70 milyan oo Gini ay ku iibsan karto xagaaga dambe haddii ay ku qanacdo. (Mail)

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Tiemoue Bakayoko oo 26 jir ah ayaa sannad amaah ah ugu wareegaya Napoli. (Mail)

Barcelona waxay dalab £13.6 milyan oo Gini ah ka gudbisay 19 jirka difaaca dhexe uga ciyaara Man City ee Eric Garcia. Laacibkan reer Spain ayaan la ciyaarsiinin kulankii Sabtidii ay City barbarraha la gashay Leeds. (Mail)

PSG waxay wali ku raad-joogtaa xiddigga Tottenham ee Dele Alli oo ay ku doonayso amaah ay soo kordhisay lacagteeda, kaddib markii laga diiday dalabkii hore ee ay kasoo gudbisay 24 jirkan reer England. (Telegraph)

Manchester United ayaa tartan xooggan kala kulmi doonta kooxda Liverpool oo iyaduna doonaysa weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele oo Barcelona ka tirsan. (Sport)

AC Milan waxay doonaysaa inay lasoo saxeexato difaaca xulka Germany iyo kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger, waxaanay 27 jirkan ku doonaysaa amaah. Sidaas oo kale, Tottenham ayaa amaah ku rabta laacibkan. (Calciomercato_

Juventus waxay wad-ahadallo kula jirtaa weeraryahanka Everton ee Moise Keane oo ay ku doonayso amaah. 20 jirkan ayay Juventus ka iibisay Everton sannadkii 2019kii.

Leeds United waxay dalab horumar ay ku samaysay lacagtiisa ay ka gudbisay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Norwich City ee Todd Cantwell oo 22 jir ah, iyadoo hore looga soo diiday dalab £15 milyan oo Gini ah oo ay ka gudbisay. (Football Insider)

Manchester United ayaa £3.6 milyan oo Gini u bandhigtay kooxda heerka labaad ee Faransiiska ee Sochaux oo ay ka doonayso difaaca 16 jirka ah Willy Kambwala. (RMC)

Bayern Munich waxay qarka u saaran tahay inay £13.5 milyan oo Gini kagala wareegto Espanyol khadka dhexe ee reer Spain ee Marc Roca oo 23 jir ah. (Sport)

PSG ayaa xidhiidh la samaysay Ajax, waxaanay ka doonaysaa laacibka khadka dhexe ee reer Argentina ee Lisandro Martinez oo 22 jir ah. (AS).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More