Mulkiilaha Arsenal Oo Go’aamiyay Haddii uu Kooxda Iibinayo, Juventus
West Ham have ayaa dhigeeda Barcelona, Bayern Munich iyo Tottenham kula biirtay doonista saxeexa daafaca midig ee Norwich City eeMax Aarons, Norwich ayaa ugu yaraan 30 Milyan oo pound ku doonayso iibka xiddigeeda. (Independent)
Manchester United fursada ay kula saxeexan karto 20 sano jirka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa kor u kacday kaddib markii uu jagada kooxda iska casilay Ed Woodward oo guddoomiye ku xigeen ka ahaa kooxdaas. (Star)
Liverpool aya u muuqata mid waayaysa xiddiga mudada dheer bar-tilmaameedka u ahaa ee Ugurcan Cakir oo ah goolhayaha xulka Turkey-ga iyo kooxda Trabzonspor kaddib markii ay Borussia Dortmund dalab weyn ka gudbisay, goolhayaha ayay sidoo kale doonayaan Aston Villa iyo Atletico Madrid (Fotospor, via Team Talk)
Liverpool ayaa sidoo kale xiisaynaysa saxeexa 18 sano jirka weeraryahanka ah ee kooxda Sparta Prague ee Adam Hlozek. (Football Insider)
Tababare Dean Smith ayaa sheegay in kooxdiisa Aston Villa aysan qorshaynayn inay heshiis rasmi ah ka saxeexato Ross Barkley marka uu dhaco qandaraaska amaahda ah ee uu Chelsea ugaga soo maqan yahay (Mirror)
Halyeeyga ree Germany ee Jurgen Klinsmann ayaa sheegay inay waxkasta macquul yihiin kaddib markii lala xidhiidhiyaya ku laabashada kooxdiisii ciyaartoynimo ee Tottenham inuu tababare ahaan uga hawl galo. (ESPN)
Mulkiilaha kooxda Arsenal ee Stan Kraonke ayaan doonayn inuu kooxdaas iibiyo. (Evening Standard)
Roma ayaa la kulmaysa wakiilada daafaca dhexe ee Southampton ee Jannik Vestergaard oo 28 sano jir ah oo ay sidoo kale doonayaan saxeexiisa Tottenham iyo Juventus. (Tuttomercatoweb – in Italian)
21 sano jirka khadka dhexe ee Arsenal ee Joe Willock ayaa u sheegay Newcastle United inuu doonayo inuu lasii joogo xilli ciyaareedka dambe kaddib markii uu ku raaxaystay heshiiska amaahda ah ee uu ugu maqan yahay. (Football Insider)
Juventus ayaa rajaynaysa inay 26 sano jirkeeda khadka dhexe ee Adrien Rabiot u bandhigto Man United oo ay ka doonayso daafaca bidix ee Alex Telles. (Calciomercato – in Italian)
Tottenham garabkeeda weerar ee Eric Lamela ayaa diyaar u ah inuu iskaga tago kooxdaas isaga oo Talyaaniga ku laabanaya, xiddiga Argentine-ka ah ayay doonayaan Napoli iyo AC Milan. (Area Napoli, via Team Talk)