Miyuu Sharcigu U Ogolaanayaa Liverpool Inay Samayso Saxeex

Liverpool ayuu ku habsaday dhaawac kale oo argagax leh, waxaana liiska xiddigaha aan xisaabta kooxda soo geli doonin xili ciyaareedkan ku biiray difaaca reer England ee Joe Gomez.

Laacibkan ayaa la rumaysan yahay in jilibka uu kasoo gaadhay dhaawac culus inkasta oo aanay wali soo bixin baadhitaannadu oo maanta sawirrada laga qaadi doono, waxaanay taasi dhibaato ku tahay Liverpool oo difaac la’aani ku dhacayso.

Waxa hore kooxdan uga sii dhaawacnaa Virgil van Dijk oo illaa badhtamaha sannadka dambe ee 2021-ka ka maqnaan doona garoomada kaddib taakal xun oo uu goolhayaha Everton ee Jordan Pickford ku qabtay bishii October, waxaana lagu sameeyey qalliin.

Gomez ayaa noqday ciyaartii afraad ee Liverpool ka dhaawacma, waxaana ka sokow Van Dijk isaguna muddo bil ah garoomada ka maqnaanaya Alexander-Arnold, halka Fabinho la rajaynayo in dhamaadka bishan uu soo laaban doono.

Joel Matip oo isaguna dhaawac ahaa ayaa garoomada kusoo laabtay kulankii Axaddii ay barbarraha la galeen Manchester City, waxaana inkasta oo uu yahay mid nugul oo aanu taam ahaanshihiisu wanaagsanayn, haddana uu yahay difaaca dhexe ee kaliya ee ay Liverpool haysato.

Dhibaatooyinkan difaac, waxay Jurgen Klopp ku qasbi doonaan inuu isticmaalo ciyaartooyo aan khibrad lahayn, sida Nathaniel Phillips, Rhys Williams iyo Billy Koumetico.

Haddaba, miyuu sharcigu u ogol yahay inay Liverpool samayso saxeex deg-deg ah oo aan caadi ahayn waqtigan uu suuqa iibka ciyaartoygu xidhan yahay?

Barcelona ayaa xidhiidhka Spain uu u ogolaaday inay lasoo saxeexato Martin Braithwaite xilli uu xidhnaa suuqa iibka ciyaartoygu, markii ay ka dhaawacmeen Luis Suarez iyo Ousmane Dembele, laakiin Liverpool ma heli doonto fursaddaas sababtoo ah, horyaalka Premier League ma jiro sharci u ogolaanaya inay kooxina samayso saxeexyo xilli suuqyadu xidhan yihiin. Sidoo kale, waxa meesha laga saaray sharcigii ay FIFA ugu ogolaanaysay naadiyada inay amaah sameeyaan waqtiyada ay musiibooyinkan oo kale ku yimaaddaan, waxaana la buriyey qodobkaas afar sannadood ka hor.

Fursadda kaliya ee ay Liverpool kula soo saxeexan karto ciyaartoy cusub, waa inuu noqdo laacib xor ah oo aan waqtigan kooxna ka tirsanayn, taas oo iyaduna adag maadaama aanay waqtigan jirin difaacyahanno tayo leh oo aan kooxna u ciyaarin.

Afar ciyaartoy oo difaac ah oo aan kooxna ku tiirsanayn ayaa jira waqtigan qaaradda Yurub, waxaana ugu macquulsan Ezequiel Garay oo 34 jir ah illaa bishii February na aan ku laabanin kooxdiisii Valencia markii uu dhaawacu gaadhay, kaddibna heshiiskiisu dhamaaday.

Jozo Simunovic oo 26 jir ah, difaacana uga ciyaari jiray Celtic ayaa ka tegay kooxdaas markii uu qandaraaskiisu dhamaaday xagaagii, walina aan koox haysanin.

Fursad kale waxay tahay in Klopp uu dib usoo ceshado Kevin Stewart oo ku maqan Hull City iyo sidoo kale, Ashley Williams oo Swansea ka tirsanaa iyo waliba Mapou Yanga-Mbiwa oo 46 kulan u saftay Newcastle, xagaagiina ay fasaxday Lyon oo uu ku dambeeyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More