Miyaa Mbappe Looga Saarayaa No.10? Lambarka Uu Karim Benzema U Xidhan

Karim Benzema ayaa dib loogu soo celiyey xulka qaranka Faransiiska oo uu ka maqnaa muddo shan sannadood iyo lix bilood ah, waxaanu hadda ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ee bisha June bilaabmi doona.

Xiddiga Actual Madrid ayaa uu tababare Didier Deschamps kusoo daray liiska xulka qarankiisa kaddib dalabaad badan oo uga imanayey taageereyaasha oo ay u cuntami weyday sababta lavatory cuskaday in Benzema laga caydhiyo xulka, taas oo la xidhiidhay kiiska cajalad fadeexad galmo ahayd oo laga duubay Valbuna, taa soo wali maxkamaddu ay dhegaysigeeda sugayso.

Didier Deschamps ayaa xaqiijiyey, in Karim Benzema ay wada-hadal yeesheen ka hor intii aanu xulka kusoo celin, waxaana isagoo warbaahinta la hadlayay uu yidhi: “Waanu kulanay, waananu wada hadalnay, kaddib na aad ayaan u fikiray waxaanan qaatay go’aankan. Waan u baahnaa in aanu wada-hadalno, isaguna wuu u baahnaa wada-hadalkan. Anigu ma doonayo inaan arrintan ka dhigo mid gaar ah. Tababare xul-qaran ahaan, waxa aan mar walba eegaa waxa ka dambeeya arrintayda shaqsiga ah. Waxa i saaran masuuliyad muhiim ah, laakiin aniga method iga weyn tahay.”

Waxa la weydiiyey Deschamps, in soo laabashada Benzema ay khatar ku tahay Olivier Giroud oo ahaa weeraryahanka dhexe ee sida joogtada ah u ciyaarayay sannadihii uu maqnaa Karim, waxaana uu Deschamps ku jawaabay: “Taasi muhiim maaha, mar walba waxa jiraya tartan. Waxay xulkan kusoo wada jireen saddex sannadood {Ka hor intii aan Benzema laga saarin}.

Intii uu Karim Benzema ka maqnaa xulka, waxa lambarkii uu xidhan jiray kasii dhaxlay Kylian Mbappe oo sannadihii ugu dambeeyey dhabarka ku sitay No.10. Isla markii uu soo baxay warka sheegaya in Benzema uu kusoo laabtay xulka, waxa la isweydiiyey lambarka uu xidhan doono, iyadoo dadka qaarna sooba jeediyeen in Kylian Mbappe looga soo saaro lambarkiisii.

Wargeyska L’Equipe oo ahaa markii sii sheegay in Benzema xulka lagu soo celinayo, ayaa waxa uu haddana ogaaday lambarka uu xidhan doono Karim kaas oo aan ahayn No.10 iyo No.9 oo ay kala sitaan Mbappe iyo Giroud.

Waxa uu xidhan doonaa No.19.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More