Lionel Messi Oo Soo Gaartey Magaalada Madrid Iyo Luis Suarez Oo Ay

Ma jirto masaafo kala fogeyn karta ama kala goyn karta saaxiibtinimada u dhaxaysa Luis Suarez iyo Lionel Messi, waxaana ay labadan xiddig kulmeen xilli xaasaasi ah oo ay kooxahoodu isku diyaarinayaan kulamada ugu dambeeya horyaalka LaLiga.

Lionel Messi ayaa soo gaadhay caasimadda Spain ee Madrid Salaasadii shalay, waxaana markiiba ay israaceen Luis Suarez oo ay u baxeen makhaayad ay kasoo wada cunteeyeen iyadoo mid walba ay wehelinayso xaaskiisa.

Warbaahinta Spain ayaa sawirro ka qaadday Lionel Messi oo ay la socoto xaaskiisa oo kasoo baxaya makhaayad laga cunteeyo iyadoo ay wehelinayaan Luis Suarez iyo xaaskiisu.

Labadan ciyaartoy oo saaxiibtinimadoodu dheer tahay, ayaa waxa kulankoodu uu shaki kusii abuurayaa Barcelona oo xagaagii hore si aan fiicnayn usoo fasaxday Luis Suarez oo aan waqtigaas doonayn inuu ka tago Barcelona, waxaana ka faa’iidaysatay Atletico Madrid oo ku hoggaaminayo hanashada horyaalka LaLiga oo uu la qaadi doono Sabtida haddii ay ka badiyaan Actual Valladolid.

Laakiin Lionel Messi ayaa isaguna isla xagaagii hore markii uu Suarez tegay waxa uu kooxda ka dalbaday in la fasaxo, heshiiskiisuna uu sidaas dhigayay, hase yeeshee madaxweynihii hore ee waqtigaas ee Bartomeu ayaa diiday, isagoo ku dooday in waqtiga uu Messi sheegayo inuu tegayo uu lasoo habsaamay, waqtigii heshiisku dhigayay na uu ka dib dhacay.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in labadan ciyaartoy ay ka wada hadleen arrimo aan badnayn oo ku saabsan horyaalka Spain, waxaana uu Lionel Messi u rajeeyey saaxiibkii Suarez in uu ku guuleysto horyaalka oo ay Atletico ka qaaddo Actual Madrid oo iyadu ka faa’iidaysan doonta haddii Atleti ay dhibco lumiso kulanka u dambeeya.

Arrinta kale ee la hadal hayo ayaa waxay tahay, in Lionel Messi uu mustaqbalkiisa kala tashanayo Luis Suarez oo ay saaxiibtinimo iyo kalsooni badan ka dhaxayso, waxaana durba suuqa lasoo gelinayaa hadal-hayn la xidhiidha in Suarez uu ka dalbaday Messi inuu kula soo biiro Atletico Madrid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More