Maxaa Soo Kordhay? Lionel Messi Wixii Ka Dambeeya Arbacada Kama
Laga bilaabo maalinta Arbacada ee toddobaadka soo socda, Lionel Messi ayaa xor ka noqon doona Barcelona, waxaana sidaas ku dhamaanaya heshiiskiisii soo socday tan iyo 2003 oo ahayd waqtigii isagoo carruur ah uu yimid kulliyadda La Masia ee Barcelona.
33 jirkan reer Argentina ayaa ka maqan Spain, waxaanu ku sugan yahay waddanka Brazil oo uu kaga qayb-gelayo ciyaaraha Copa America oo uu dulkiisu u gudbay wareegga siddeedda.
Barca ayaa kulamo iyo wada-hadallo joogto ah la lahayd wakiilka Messi ee Jorge Messi oo sidoo kalena ah aabbihii, laakiin illaa hadda ma jiraan isfaham ay dhinacyadu gaadheen.
Iyadoo heshiiskii uu kula jiray uu ku egyahay June 30 oo ku beegan Arbacada soo socota, Lionel Messi ayaan haynin dalab rasmi ah oo kasoo gaadhay Barcelona sida ay warbaahintu ogaatay, waxaanay taasi muujinaysaa kala fogaansho labada dhinac ah iyo in ay jirto arrin la isku mari la’yahay oo Barcelona ka hor jooga inay dalab heshiis cusub ah hordhigto laacibkan.
Madaxweyne Joan Laporta ayaa rajo weyn ka qaba in Messi uu heshiiskiisa cusboonaysiin doono, hase yeeshee shabakadda GOAL ayaa heshay xogtii u dambaysay, waxaanay sheegtay in illaa hadda aanay Barcelona heshiis cusub oo rasmi ah u bandhigin Messi.
Warku ma sheegin waxyaabaha ay labada dhinac ku kala aragti duwan yihiin ee xaaladda gaadhsiiyey xilli uu meesha ka baxo qandaraaskii uu laacibkani kula jiray Barcelona, hase yeeshee waxa la fahamsan yahay in muhiimadda Lionel Messi aanay ahayn mid dhaqaale, laakiin uu doonayo in la siiyo dammaanad-qaad booskiisa oo joogto noqda iyo waqti dheer.
Inkasta oo Barcelona ay kaliya ku guuleysatay Copa del Rey, isla markaana ay laba sannadood oo isku xiga ka qatan tahay horyaalka LaLiga, waxa uu haddana Lionel Messi xilli ciyaareedkii hore dhaliyey 30 gool 35 ciyaarood oo uu saftay, waxaanu toddoba gool ka sarreeyey ciyaartoygii ugu soo dhowaa dhinaca goolasha oo ah Gerard Moreno.
Champions League oo ay Barcelona ugu dambaysay inay ku guuleysato sannadkii 2015, waxay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey kaga hadheen si xun iyadoo 2020 ay Bayern Munich ku garaacay 8-2 iyo PSG oo dersin goolal ah ku karbaashtay xilli ciyaareedkii u dambeeyey.
Si kastaba, taageereyaasha Barcelona ayaan wali ka rajo dhigin xiddigooda ugu fiican taariikhda, waxaanay rajaynayaan in aanu sidaas kaga tegin.