Maxaa Ka Cusub Xaalada Cristiano Ronaldo & Fursadiisa

Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa ka hadlay xaalada kooxdiisa kahor kulanka ay habeen dambe Serie A la ciyaarayaan dhigooda Verona xilli uu sidoo kale kusoo wajahan yahay kulanka muhiimka ah ee Champions League ee Barcelona.

Pirlo ayaa si weyn u sugaya tijaabada cusub ee xanuunka Korona Fayras ah ee laga qaadi doono Ronaldo xilli uu sidoo kale xaqiijiyay in Paulo Dybala uu ugu soo bilaaban doono kulankaas kooxdiisa.

Ronaldo ayaa ahaa mid karantiin ku jiray tan iyo markii laga helay caabuqa isaga oo qarankiisa Portugal la jooga waxaana uu intaas kaddib seegay ciyaartii ay bar-bardhaca 1-1 ah lasoo galeen Crotone iyo midii ay 2-0 kaga soo adkaadeen Dynamo Kiev.

Haddaba, haatan Pirlo ayaa xaqiijiyay in Ronaldo uu ugu horreynba seegi doono oo uusan wax fursad ah u haysan ciyaarta habeen dambe walow ay Juve sugaysay tijaabada cusub ee laga qaadi doono si uu tababarka ugu soo laabto haddii waxba laga waayo.

Bianconeri ayaa ahaa kuwo 13 kulan oo Serie A ah ciyaaray la’aanta Ronaldo tan iyo markii uu kusoo biiray iyagoo soo guuelstay 53% kamida kulamadaas halka marka uu u ciyaarayo ay 74% tahay guushoodu.

Andrea Pirlo oo ka hadlaya xaalada kooxdiisa ayaa yidhi “Waxa waajib nagu ahayd inaanu nasano kaddib safarkii Dynamo Kyiv, sidaas darteed marka laga reebo Giorgio Cheillini qofkasta oo kale waa la heli karaa (Intii u safartay Kiev)”

“Jimcihii wax war ah kamaan helin xaalada Koofidh ee Ronaldo, isagu (Ronaldo) hubaal waxa uu maqnaan doonaa kulanka Hellas Verona”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More