Marcus Rashford Oo Goolal Deg-deg Guul Ugu Go’aamiyey Man

Manchester United ayaa guushii labaad oo xidhiidh ah kasoo hoysay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaanay 5-0 ku garaacday kooxdii awoodda badnayd ee RB Leipzig.

United oo hore uga soo adkaatay PSG oo ay marti u ahayd kulankii hore oo ay 2-1 kaga soo badisay, ayaa waxay marti gelisay RB Leipzig, iyadoo uu tababare Ole Gunnar Solskjaer isbeddel badan ku sameeyey safka kooxdiisa oo uu kusoo bilaabay saxeexiisa cusub ee Donny van de Beek iyo Mason Greenwood.

Da’yarka reer England ee Greenwood ayaa United u furay gool-dhalinta, waxaana uu shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 21aad, iyadoo laba gool oo degdeg ahna uu qaybtii dambe ku daray Marcus Rashford oo beddel kusoo galay, halka goolka afraadna uu ku daray Anthony Martial oo dhaliyey rikoodhe.

Dhamaadkii ciyaarta ayuu Marcus Rashford saddexlay xaqiijistay, isaga oo dhaliyey goolkiisa saddexaad ee ciyaarta.

Shaxdii labada kooxood

RB LEIPZIG (3-4-3): Peter Gulacsi (c); Ibrahima Konate, Dayot Upamecano, Marcel Halstenberg; Benjamin Henrichs, Christopher Nkunku, Kevin Kampl, Angelino; Dani Olmo, Yussuf Poulsen, Emil Forsberg.

Kaydka: Lazar Samardzic, Marcel Sabitzer, Justin Kluivert, Willi Orban, Hwang Hee-Chan, Philipp Tschauner, Alexander Sorloth, Tyler Adams, Josep Martinez, Dennis Borkowski, Eric Martel, Joscha Wosz.

MANCHESTER UNITED (4-1-2-1-2): David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire (c), Luke Shaw; Nemanja Matic; Fred, Paul Pogba; Donny van de Beek; Mason Greenwood, Anthony Martial.

Kaydka: Bruno Fernandes, Timothy Fosu-Mensah, Brandon Williams, Daniel James, Juan Mata, Teden Mengi, Marcus Rashford, Scott McTominay, Dean Henderson, Odion Ighalo, Axel Tuanzebe, Edinson Cavani.

Kooxda martida ah ee RB Leipzig ayaa ku bilaabatay inay maamusho ciyaarta oo ay kubadda ku xoog-badnaato, waxaana ay dardartoodu bilaabantay isla markii uu garsooraha reer Slovenia ee Matej Jug uu yeedhiyey siidhiga bilowga.

Manchester United oo heshay laag xor ah ayaa waxa usoo tuuray Shaw, waxaana la kulmay Maguire, taas oo noqotay halistii ugu weynayd ee bilowgii ciyaarta ay labada kooxoodba indhahoodu qabteen.

Pogba, Fred iyo Van de Beek oo khadka dhexe joogay ayaa ogolaaday in kubadda inteeda badan ay jirto dhinaca kooxda reer Germany ee RB Leipzig, hase yeeshee waxay lahaayeen hal-abuur iyo inay kubadda hore u dhaqaajin karaan marka ay lugtooda soo gasho.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Man United 1- 0 Leipzig – Mason Greenwood ayaa Manchester United kaga furfuray gool uu difaaca hortooda u dhigay Paul Pogba oo lugtiisa ay gashay kubbad uu Fred kasoo boobay Leipzig.

Goolkan oo looga shakiyey Offside ayaa laga soo hubiyey VAR, laakiin waxa la go’aamiyey in uu sax ahaa oo aanu Offside ku jirin.

David de Gea ayaa heegan galay, isla markaana badbaadintiisii ugu horreysay sameeyey daqiiqaddii xigtay goolka ay kooxdiisu dhalisay, waxaana kubbad uu Forsbeg si degdeg ah ugu geeyey Nkunku uu ku toogtay dhinaca u dhow ee goolka. De Gea ayaa gacmihiisa u kala bixiyey si uu kubadda uga leexiyo goolkiisa, waxaana uu ku guuleystay inuu koorne u saaro.

Loollan adag oo khadka dhexe ah iyo fursadaha oo yaraa ayaa waxay keeneen in qaybta hore ay kusoo dhamaato 1-0 ay guusha la nasatay Manchester United.

Qaybta labaad ayaa kusii socotay natiijadii hore iyo in aanay khataro badan imanin, waxaana uu tababare Ole Gunnar Solskjaer isbeddel ku sameeyey safkiisa, isaga oo saaray Nemanja Matic iyo Mason Greenwood, waxaanu keenay McTominay iyo Marcus Rashford, iyadoo uu waxyar kaddibna Bruno Fernandes beddelay Aaron Wan-Bissaka.

United ayaa shaxdeeda isbeddel ku samaysay markii ay soo galeen saddexdan beddel, waxaana ay shaxdeedu isku habaysay qaab 4-2-3-1.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! Man United 2-0 Leipzig – Marcus Rashford ayaa Manchester United hoggaanka ciyaarta usii dheereeyey daqiiqaddii 76aad, waxaanu goolka Leipzig ku hubsaday kubbad uu ka helay Bruno Fernandes oo ay isku mar beddel kusoo galeen.

GOOOOAAAAAAAAALLLLLLLLL!!! Man United 3-0 Leipzig!! Marcus Rashford ayaa daqiiqad kaddib gool kale oo degdeg ah u dhaliyey Manchester United, isaga oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Upamecano.

Guul degdeg ah ayay Manchester United u go’aamiyeen Rashford iyo Fernandes oo isbeddel dhab ah ku sameeyey khadka dhexe iyo weerarka kooxda.

Anthony Martial ayaa gool afraad oo rikoodhe ahaa u dhaliyey Manchester United, iyadoo aanu ku qabsanin laacibka gool ku laadka iska lahaa ee Bruno Fernandes.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Manchester United heshay gool shanaad oo uu saxeexay Marcus Rashford oo saddexlay saxeexay iyadoo uu waliba beddel kusoo galay.

Natiijooyinka kulamadii Champions League oo dhamaystiran

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More