Man United Oo Loo Sheegay In Iibin Doonto Bruno Fernandes Laakiin…

Lee Sharpe ayaa aaminsan in Manchester United ay ka fiirsan doonto inay iska iibiso xiddiga Bruno Fernandes xagaagan – laakiin waa haddii ay diyaariyeen saxiix ‘weyn’ si ay u bedelaan.

Shaki ayaa soo galay mustaqbalka kabtanka Man United isaga oo sheegay in uu doonayo in ay kooxdu la hami noqoto isaga si uu u sii joogo.

Kooxaha sucuudiga Iyo Bayern Munich ayaa haatanba xiiso u muujiyay saxiixa Bruno Fernandes.

Bruno ayaa loo arkaa xiddiga uGu fiican Man United tan ilaa markii uu yimid kooxda sanadkii 2020 waxana uu kooxda kula guulaystay FA Cup-ka xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Sharpe ayaa aaminsan in United ay go’aansan doonto inay 29 jirkaan ku sii heyso kooxda, lakiin waxa uu soo jeedinayaa in mowqifkaasi uu isbedeli karo hadii ay maskaxda ku hayaan bedelkiisa.

“Waxa aan qabaa in uu door weyn ka ciyaaray koobabka ay dhaliyeen kooxdu, waa kubad sameeyaha kaliya ee kooxda wuna hogaamiyaa”ayuu yidhi.

“Aniga ahaan Man United way u furantahay in ay iska iibiso isaga hadii ay hesho badalka ugu macquulsan ee ay ku buuxin karaan booskiisa”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More