Man United Oo Heshay Bedelka Sancho, City Oo Heshiis Qarka U

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.

Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay maanta oo Sabti ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Paris St-Germain ayaa baadhaysa suurogalnimada ay kula soo saxeexanayso kabtanka Barcelona ee Lionel Messi. (ESPN)

Manchester United ayaa u tixgelinaysa da’yarka Leicester City ee Harvey Barnes bedelka Jadon Sancho oo Borussia Dortmund ka tirsan. (Sun)

Tottenham khadkeedav dhexe ee Harry Winks ayaa doonaya inuu January iskaga tago kooxdaas si uu u dhacsado booskiisa xulka England ee Euro ee xagaaga dambe. (Mirror)

Manchester United ayaa xidhiidh la samaysay wakiilada 23 sano jirka Barcelona ee Ousmane Dembele oo ay doonayaan January. (Mundo Deportivo, via Manchester Evening News)

Manchester United ayaa ku rajo weyn in kooxdeeda toos loogu ogolaan doono inuu u ciyaaro 18 sano jirka re Ivory Coast ee Amad Diallo oo Atlanta kaga soo biiraya bisha January. (Manchester Evening News)

Manchester United ayaa u dhaqaaqi karta tababaraha PSG ee Thomas Tuchel haddii ay Ole Gunnar Solskjaer shaqada ka caydhiyaan toddobaadyada soo socda. (Bild)

Manchester City ayaa dhammaystiraysa saxeexa 18 sano jirka kooxda Gremio ee Diego Rosa. (Manchester Evening News)

Napoli ayaa tixgelinaysa inay qaab amaah ah suuqa bisha January ku qaadato 19 sano jirka khadka dhexe ee Chelsea ee Billy Gilmour. (Il Corriere del Mezzogiorno, via Inside Futbol)

Arsenal ayaa dib usoo noolaysay xiisaha ay u qabto saxeexa 22 sano jirka kooxda Istanbul Basaksehir ee Berkay Ozcan. (Transfermarkt, via Sun)

Mustaqbalka 19 sano jirka Arsenal ee William Saliba ayaan ahayn mid cad iyadoo ay wali ciyaaryahanka iyo kooxdu isku maan-dhaafsan yihiin halka uu amaahda ugu wareegayo. (ESPN, via Express)

Wakiilka Gareth Bale ee Jonathan Barnett ayaa noqday wakiilka rasmiga ah ee 18 sano jirka kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga oo lala xidhiidhinayo Man United iyo Real Madrid. (L’Equipe)

Tababarihii hore ee Juvetus ee Massimiliano Allegri ayaa doonaya inuu maamulo koox Premier League ah, Allegri ayaa lala xidhiidhinayay Man United iyo Arsenal mudo kahor. (Times)

Juventus ayaa lala xidhiidhinayaa 22 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee Douglas Luiz (Tuttermercato Web, via Sport Witness)

Manchester United ayaa rajaynaysa inay heli doonto ogolaanshaha ay jamaahiirteedu Old Trafford dib ugu soo laabanayaan kulanka Leeds United ee dhammaadka bishan. (Telegraph)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More