Man United Oo Guul Soo Laabasho Weyn Ka Gaartay Everton,
Manchester United ayaa ku soo laabatay wadada guusha ka dib markii ay guul soo laabasho 3-1 ah ka gaartay kooxda Everton oo marti loogu ahaa Goodison Park.
Bruno Fernandes ayaa cadaadiska ka dejiyay macalinkiisa Ole Gunnar Solskjaer isagoo dhaliyay labada gool ee Red Devils ka dib markii uu Bernard hogaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa.
Fernandes ayaana caawiye ka noqday goolkii seddexaad ee Man United oo uu waqtigii dhimashada dhaliyay Edinson Cavani kaasoo loo diiwaangeliyay goolkiisii ugu horeysay ee Premier League.
Natiijadaan ayaa la micno ah in Man United ay soo gashay kaalinta 13aad iyagoo leh 10 dhibcood ka dib todoba kulan oo ay ciyaareen, waxayna waqti siin doontaa tababare Solskjaer oo qarka u saarnaa in la ceyriyo ka dib guuldarooyinkii ka soo gaaray Arsenal iyo Istanbul Baseksahir.
SHAXDA AY LABADA KOOXOOD KU SOO GALEEN
Everton XI: Pickford, Digne, Holgate, Keane, Coleman, Bernard, Allan, Doucoure, James, Sigurdsson, Calvert-Lewin
Kaydka: Olsen, Mina, Tosun, Iwobi, Gomes, Godfrey, Davies
Man United XI: De Gea, Shaw, Lindelof, Maguire, Wan-Bissaka, Mata, Fred, McTominay, Fernandes, Martial, Rashford
Kaydka: Henderson, Pogba, Cavani, James, Matic, Van de Beek, Tuanzebe
Ciyaarta ayaa si xiiso leh ku bilaabatay iyadoo Everton ay ku qaadatay kaliya 19 daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii kubad dheer uu soo qaaday goolhaye Pickford uu madaxeeyay Calvert-Lewin, waxayna lugta u gashay Bernard kaasoo kubada ka leexsaday Wan-Bissaka islamarkaana darbo dhulka ku socota ka dhex bixiyay lugihiisa ka hor inta aysan ku nasanin shabaqa.
Laakiin hogaanka Everton ma uusan noqonin mid waara iyadoo shan daqiiqo ka dib uu Manchester United ciyaarta u barbareeyay Bruno Fernandes kaasoo kubad madax cajiib ah dhaliyay ka dib karoos uu ka helay Luke Shaw.
Goolkaas wuxuu ahaa goolkii 100aad ee uu Bruno Fernandes u dhaliyo kooxihii uu soo maray waayihiisa ciyaareed (4 Novara, 11 Udinese, 5 Sampdoria, 63 Sporting Lisbon, 17 Man Utd). Wuxuuna goolkaa ahaa midkii ugu horeeyay ee uu madax ku dhaliyo intii uu yimid Red Devils.
Everton ayaa ku dhawaatay daqiiqadii 28aad inay hogaanka ku soo laabato ka dib kubad fiican oo ay garabka bidix ka soo dhiseen, iyadoo Lucas Digne uu fursad u helay goolka laakiin darbadiisa waxaa soo beenisay birta inkastoo ay uga fursad fiicnaan laheyd inuu u baaso Calvert-Lewin.
Laakiin daqiiqadii 32aad waxaa Man United hogaanka u dhiibay markii ugu horeysay Bruno Fernandes oo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta ahna goolkiisii 18aad ee uu u dhaliyo Red Devils.
Xiddiga khadka dhexe ayaa baasas ay isku soo dhiigeen Fred iyo Rashford helay, wuxuu damcay inuu karoos macaan u dhigo Rashford kaasoo madax la aaday laakiin weeraryahanka Ingariiska ma uusan taabanin kubada iyadoo kubada ay ku dhacday birta goolka ka hor inta aysan shabaqa gelin. Inkastoo markii hore la mooday inuu Rashford dhaliyay goolka hadana ku celiska ayaa laga arkay inuusan kubada taabanin waxaana loo qoray Fernandes.
Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay iyadoo Manchester United 2-1 ku hogaamineyso ciyaarta.
Saacad markii ay socotay ciyaarta, VAR ayaa labo go’aan oo muran uu ku jiray gaartay iyagoo diiday rigoore markii goolhaye Picford uu qalad xerada ganaaxa kula galay Harry Maguire iyadoo ay u muuqatay inay rigoore tahay, laakiin daqiiqado ka dib VAR ayaa iska indhotirtay qalad u muuqday casaan oo uu Maguire ku galay Lucas Digne.
Daqiiqadii 72aad Manchester United ayaa heshay fursad ay ciyaarta hurdo ugu diri kartay iyadoo calanka offside-ka aan la taagin markii uu Rashford kubad dhex bixis ah ka helay Fred. Laakiin madaama uu ismooday inuu offside ahaa Rashford oo goolka uu ka xigay kaliya goolhayaha ayaa kubada ku aadiyay goolhaye Pickford bedelkii uu dhalin lahaa.
Waqtigii dhimashada ciyaarta ayay Manchester United heshay goolka seddexaad ka dib markii kubad rogeel celis degdeg ah ay qaadeen Bruno Fernandes ayaa kubad sahlan u dhigay Edinson Cavani oo bedel ku soo galay kaasoo shabaqa si fudud ku dhex dhigay, waana goolkiisii ugu horeysay ee Manchester United.
Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Manchester United ku badisay iyadoo qeybtii labaad ay labada kooxood awoodi waayeen inay shabaqa soo taabtaan.
Guushaan ay gaartay Red Devils ayaa la micno ah inay soo gashay kaalinta 13aad iyagoo leh 13 dhibcood, halka Everton ay weli baaqi ku tahay kaalinta 5aad balse ay hoos uga dhici doonto ka dib marka la ciyaaro kulamada kale ee horyaalka.