Man United Oo Dalab Ka Gudbisay Saxiixa Xiddig Ka Ciyaara Talyaaniga.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab ka gudbisay saxiixa Goolhayaha kooxda Geonoa ee Josep Martinez.

Kadib markii la xaliyay mustaqbalka Ten Hag Man United ayaa bilowday dhaq-dhaqaaqooda suuqa iyaga oo doonaya in ay xoojiyaan kooxda.

Sida laa soo xigtay saxafiga Sacha Tavolieri, Man United ayaa dalab ka gudbisay Goolhaya kooxda Geonoa ee Josep Martinez.

Man United ayaa la sheegayaa in ay ka go’antahay in ay hesho saxiixa Goolhayaha 26 jirka ah.

Kooxda Genoa ayaa Goolhayaha ku qiimaysa lacag dhan 20 milyan oo euro waana lacag ay United diyaar u tahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More