Macquul Ma Tahay? Shuruuda Adag Ee Barcelona Hortaala Si Ay Heshiiska

Kooxda Barcelona ayaa ah mid ay shaqo culusi u taalo haddiiba ay doonayso inay heshiis kordhin ka samaysato kabtanka kooxdeeda ee Lionel Messi kaas oo qandaraaskiisa ay ka hadheen maalmaha tirsan ee ka hadhsan bishan June.

Warsidaha ree Spain ee RAC1 oo hadda ka hadlay arrimo la xidhiidha mustaqbalka Leo ayaa sheegaya in kooxdu ay u baahan doonto inay iska iibiso oo ay suuqa dhigto ciyaartoy si ay heshiis kordhin uga samaysato.

Barcelona ayaa ahayd mid si culus uga adeeganaysa suuqa iyaga oo durba safkoodii ku xoojiyay afarta saxeex ee kala ah Sergio Aguero, Memphis Depay, Eric Garcia iyo Emerson Royal.

Sida uu dhawaan soo tabiyay wargeyska MARCA, madaxweynaha Barcelona ayaa sheegay in markasta oo ay kooxdu banayso lacag dhan 100 Milyan oo euro ay kaliya 25 Milyan oo euro ka isticmaali karto.

RAC1 ayaa intaas ku daraya in shuruuda adag ee ku xidhan in Blaugrana ay heshiiska u kordhiso Messi ay tahay inay meesha ka saaraan 200 Milyan oo euro oo ay mushahar ahaan u bixiyaan sanadkii taas oo ka dhigan inay diraan xiddigo isku dar mushahar intaas le’eg kooxda ka qaata.

Barca ayaa awooda saari doonta inay iska iibiso xiddigaha aan ku jirin qorshayaasha tababare Ronald Koeman gaar ahaan kuwa mushaharka badan qaata.

Barca ayaa ku jirta daymo aad u badan, inay ciyaartoy iibiso ayaa hadda muhiimada koowaad u ah. Philippe Coutinho iyo Martin Braithwaite ayaa kamid ah xiddigaha la tusi karo albaabka Camp Nou looga baxo.

Miralem Pjanic, Matheus Fernandes iyo Samuel Umtiti ayaa sidoo kale iyaguna kamida liiska xiddigaha aan laga doonayn Blaugrana.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More