Ma Rumaysan Kartid! Xiddiga Liverpool & Spain Ee Manchester United

Waa qiso markaad akhrido ay layaab kugu noqon doonto, waxaanad isweydiin doontaa sababta Manchester United ay u qaadan karto go’aan noocaas oo kale ah, laakiin waxa kale oo macquul ah in aad ku waafaqi karto Ed Woodward go’aankaas sababtoo xiddiga ay ka doorbideen ayaa isaguba waqtigaas ahaa laacib calankiisu taagan yahay.

Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa shaaciyey, in kooxdiisa hore ay heshay fursad ay lacag yar oo jaban kula soo wareegi karaysay xiddiga Liverpool iyo xulka qaranka Spain ee Thiago Alcantara.

Kubbad-sameeyahan ayay Barcelona go’aansatay in ay iibiso sannadkii 2013, waxaana gacanta ku dhigtay Bayern Munich oo ka bixisay lacag dhan £21.6  milyan oo Gini, waxaanu kula guuleystay toddoba koob oo Bundesliga ah iyo Champions League ka hor intii aanu uga wareegin Liverpool.

Waqtiga ay Barcelona iibinaysay Thiago waxay ahayd xilligii uu David Moyes beddelay Sir Alex Ferguson ee ay kooxdu ku jirtay xaaladda kala guurka ah, waxaanay Manchester United heshay fursad ay kula soo wareegto Thiago oo isaguba doonayay in uu tago Old Trafford.

Ferdinand ayaa sheegay in Thiago uu si shaqsi ah telefoon ugu soo diray oo uu weydiiyey haddii Manchester United oo waqtigaas la sheegayay in ay doonayso, ay dhab ka tahay oo ay hayaan qorshe cad oo uu ugu wareegi karayo.

Thiago oo diyaar u ahaa in uu tago Manchester United, waxa go’aan lama filaan ahaa qaatay David Moyes iyo Ed Woodward oo halkii ay Thiago Alcantara oo ay lacag jaban ku heli lahaayeen lasoo saxeexday Marouane Fellaini oo Everton ay kasoo qaateen.

Ferdinand ayaa yidhi: “Ka hor intii aanu Thiago ka tegin Barcelona, ayuu isoo wacay. Si fiican ayuu ugu hadlaa luuqadda English-ka, waxaanu Barcelona usoo ciyaaray kulamadii safarka Maraykanka oo uu bandhig cajiib ah ka sameeyey. Wuxuu ka ciiyaaray booska No.10 isagoo dhaliyey gool cajiib ahaa.

“Si fiican ayaanu u garanaynay, sannado yar kaddibna Moyes ayaa noqday tababare. Anigu lama hadal Thiago mana garanayn laakiin David De Gea ayaa isaga siiyey telefoonkayga.

“Sidaas ayuu Thiago igu soo wacay, waxaanu igu yidhi, ‘Rio, waxa aan jeclaan lahaa in aan imaado Man United, mala hadli kartaa cid uun [maamulka]?

“Waxa kale oo uu igu yidhi, ‘Waxa aan jeclaan lahaa in aan helo fursad aan ku imaan Man united, miyuu jiraa qof aan la hadli karo si aan u ogaado haddii uu xiise jiro.”

Ferdinand ayaa sheegay in uu isagu si shaqsi ah ula hadlay kooxda oo uu ku jiro David Moyes iyo waliba Woodward, laakiin ay u caddaatay in saxeexiisa aanay diyaar u ahayn.

24 saacadood kaddib, Thiago Alcantara ayaa go’aan gaadhay, waxaanu u wareegay Bayern Munich oo uu ogolaaday dalab uu marka horeba ka haystay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More