Ma Doonayo!! Xiddig Man City Ah oo Diidaya Dhammaan

Da’yarka daafaca kooxda Manchester City ee Eric Garcia ayaa la xusayaa inuu aad u doonayo inuu ka baxo kooxdaas kuna biiro dhinaca Barcelona isaga oo samayn doona waxkasta oo macquul ah si uu suurogal uga dhigo midaas.

Sida ay sheegayaan warbixino cusubi, Garcia ayaa diidi doona dhammaan qorshayaasha ay kooxdiisu ku doonayso inay ugusii hayso Etihad Stadium si uu dhinaca Camp Nou ugu koox bedesho.

Horraantii sanadkan ayay ahayd markii tababaraha Sky Blues ee Pep Guardiola uu si cadaan ah u sheegay in Eric Garcia uusan doonayn inuu kordhiyo heshiiskiisa kooxda oo dhammaadka xilli ciyaareedkan dhaca ku eeg.

Barcelona ayaa suuqii xagaaga ee gudaha bishan xidhmay xiiso badan u muujinaysay saxeexa Eric iyaga oo dalab 13.6 Milyan Pound ah uga soo gudbiyay Man City balse heshiiskaas ayaa fashilmay iyadoo ay City doonaysay lacag 30 Milyan oo Pound ah.

Sida uu hadda sheegayo wargeyska The Sun, Garcia ayaa maskaxda ku haya inuu ku laabto Barcelona oo uu mudo akaademigeeda La Masia qayb kasoo ahaa waxaana uu ku gacan saydhi doonaa isku day kasta oo heshiis cusub lagaga doonayo.

Taas ayaa u ogolaan doonta daafaca heer caalami ee xulka qaranka Spain inuu qaab bilaash ah kaga tago Etihad xilli ciyaareedkan dhammaadkiisa walow uu kulamadii ugu dambeeyay kamid ahaa xiddigaha furaha u ah kooxdiisa.

Garcia oo bishii hore ee September saxaafada la hadlay ayaa si aan gabasho lahayn u sheegay inuusan rabin inuu heshiis kordhin sameeyo balse uu diirada saarayo shaqadiisa Manchester City oo uu hadda joogo.

Garcia ayaa sanadkii 2017 iskaga dhaqaajiyay akaademiga Barcelona oo aad u qiimaynaysay wakhtigaas isaga oo doortay inuu u wareego dhinaca City.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More