Louis van Gaal Oo Daboolka Ka Qaaday Sababtii Ay Euro Ugu Fashilmeen

Tababarihii hore ee kooxaha Manchester United iyo Barcelona ee Louis van Gaal ayaa waraysi uu siiyey wargeyska L’Equipe waxa uu ku gorfeeyey xiddiga Faransiiska ah ee Kylian Mbappe iyo bandhiggii uu ka sameeyey tartanka qaramada Yurub.

Louis van Gaal waxa uu sheegay, in da’yarkani aanu xeelad ahaan wali heersare ahayn, sidoo kalena xulka dalka France ay haysatay tababare xumo tartankii Euro ee ay wareegga 16ka kaga hadheen.

Tababarahan hore ee xulka qaranka Netherlands ayaa yidhi: “Anigu gudaha kuma jirin laakiin arrimo xaraabaad ah ayaa ku dhacay dalalkii loo saadaalinayay tartanka sida Portugal, France ama Germany oo haystay tababareyaal isku mid ah muddo 7, 9 ama 15 sannadood ah. Santos, Deschamps iyo Low muddo dheer ayay laylinayeen xulalkooda. Kalsooni ayay ku qabeen ciyaartoydooda. Anigu waxaan is weydiiyey: ‘laakiin maxay ciyaartoydoodu wax fiican u samayn la’ yihiin?’. Sababtu waxay noqotay kalsoonida ciyaartoyda iyo tababaraha oo meesha ka baxday.”

Intaas kaddib waxa uu ka hadlay Kylian Mbappe, waxaanu yidhi: “Jidh ahaan iyo farsamo ahaan waa ciyaartoy cajiib ah, laakiin xeelad ahaan wali heerka u sarreeya ma gaadhin. Marka aad baas bixin karto ee aad goysmo samayn karto ee aad kubadda lumis, taasina ay inta badan ku dhacaysay, ma koox ayaad markaas u ciyaaraysaa? Naftayda ayaan weydiiyey su’aashan. Waxa aad u baahan tahay in aad binu-aadam ahaan u maamusho xaaladdaada iyo deegaankaaga.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More