Sergio Aguero Oo Seegi Doona Kulanka Manchester City Iyo

8

Weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero ayaa shaki weyni ku jiraa inuu awoodi doono inuu ciyaaro kulanka kooxdiisu ay kula ballansan tahay Liverpool kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii West Ham ee Sabtidii.

- Advertisement -

Xiddiga reer Argentina oo dhowaan kasoo laabtay dhaawac uu garoomada kaga maqnaa tan iyo bishii June ee sannadkan kaddib markii uu jilibka wax ka noqday ayaa uu haddana dhaawac ka gaadhay muruqa intii ay socotay ciyaartii London Stadium ee ay barbarraha 1-1 wada galeen West Ham.

Kulanka Man City ay caawa martida ugu tahay Marseille ee tartanka Champions League, sidoo kalena kulamada cidhiidhiga ah ee sanka isku haya ee Sheffiedl United, Olympiakos iyo Liverpool ayaanu wax fursad ah u heli doonin.

Tababare Pep Guardiola oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Aguero iyo Benjamin Mendy ay muddo laba toddobaad ah ka maqnaan doonaan garoomada, taas oo ka dhigan in aanay fursad u heli doonin ciyaarta kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liveprool ee November 8 ay garoonka Etihad Stadium isku haleeli doonaan.

“Waxay noqon doontaa laba ama saddex toddobaad inay maqnaadaan Sergio Aguero iyo Benjamin Mendy.” Ayuu yidhi Guardiola oo intaa ku daray: “Sergio waxa uu ku dhaawacmay kulankii ugu dambeeyey oo uu wax ka noqday muruqa. Marka aad garoomada ka maqnaato afar ama shan bilood oo dhibaato jilibka ah aad ku maqnayd, waxa aad ku jirtaa khatar marka aad soo laabato.”

Pep Guardiola waxa uu sheegay inay isku dayeen inay farsamo ku xakameeyaan khataraha uu waajihi karayey Sergio Aguero, laakiin ugu dambayntii uu dhaawac haleelay, waxaanu yidhi: “Waxaanu isku daynay inaanu la tacaallo intii suurtogal ah oo aanu ciyaarsiino 50 illaa 55 daqiiqadood ciyaar walba. Laakiin suurtogal may noqon. Waxay ku xidhan tahay dhaawaca.”

Aguero ayaa ku biiray liiska ciyaartoyda dhaawaca Manchester City oo ay hore ugu jireeb Gabriel Jesus, Fernandinho iyo Nathan Ake, halka uu Mendy mar kale ku noqday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More