Lionel Messi Iyo Saddex Ciyaartoy Oo Iska Kaashaday Guul Ay

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa kusoo laabatay jidka guusha kaddib guul-darradii Atletico Madrid, waxaanay cadho kula dhacday Osasuna oo ay ku garaacday 4-0.

- Advertisement -

Martin Braithwaite oo bilow dhif iyo naadir ah kaga soo muuqday Barcelona xili ciyaareedkan ayaa u furay gool-dhalinta daqiiqaddii 29aad ka hor intii aanu Antoine Griezmann gool labaad saddex daqiiqadood ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin.

Qaybtii labaad ayay Barcelona sii wadatay bandhiggeeda cajiibka ah, waxaana gool saddexaad hoggaanka ugu sii dheereeyey Philippe Coutinho iyadoo uu mid afraadna ka daba geeyey Lionel Messi oo inta ugu badan khadka dhexe kasoo shaqaynayay.

Guushan ayaa Barcelona ay kusoo gashay kaalinta 7aad ee miiska kala-sarraynta horyaalka LaLiga, waxaanay 9 dhibcood ka dambaysaa Atletico Madrid iyo Real Sociedad oo si wada jir ah hoggaanka u haya, balse Sociedad ayaa kulankeeda aan wali ciyaarin oo natiijada hoggaanka hore wax ka beddeli karta.

Shaxdii labada kooxood

OSASUNA XI (4-4-2): Sergio Herrera; Facundo Roncaglia, Unai Garcia, Raul Navas, Inigo Perez; Nacho Vidal, Oier Sanjurjo, Jon Moncayola, Jony; Ruben Garcia, Ante Budimir.

Kaydka: Darko Brasanac, Ruben Martinez, Aridane Hernandez, Alvaro Juan Cruz Armada, Kike Saverio, Inaki Alvarez, Enric Gallego, Kike Barja, Roberto Torres.

BARCELONA XI (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Sergino Dest, Oscar Mingueza, Clement Lenglet, Jordi Alba; Pedri, Frenkie de Jong, Philippe Coutinho; Lionel Messi, Martin Braithwaite, Antoine Griezmann.

Kaydka: Junior Firpo, Carles Alena, Miralem Pjanic, Ousmane Dembele, Trincao, Matheus Fernandes, Riqui Puig, Sergio Busquets, Neto, Inaki Pena.

Ronald Koeman ayaa afar isbeddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Dynamo Kiev ee guusha weyn uu kaga soo hooyey Salaasadii, waxaanu keenay Lionel Messi, Jordi Alba, Frenkie de Jong iyo Antoine Griezmann oo dhamaantood aan ciyaartaas hore joogin, halka uu kaydka u diray Firpo, Alena, Pjanic iyo Trincao.

Intii aanay ciyaartu bilaabmin ayaa daqiiqad loo aamusay halyeygii reer Argentina ee Diego Maradona oo hore ugu ciyaaray Barcelona muddadii u dhaxaysay 1982-84kii.

Daqiiqaddii 11aad ayay Barcelona u dhowaatay inay u dabbaal-degto goolkeeda koowaad ee ciyaarta kaddib markii uu Griezmann kubadda cidhiidhi ku geliyey Herrera oo kusoo baxay, kaddibna uu sheedda ka arkay Coutinho oo uu dib ugu soo celiyey. Unai Garica ayaa kubadda ka badbaadiyey inay goolka gasho.

Lionel Messi ayaa toogasho uu sameeyey waxa isku dhigay Vidal, balse Barcelona waxay awood u yeelatay inay haddana kubadda gacanta ku dhigto. Griezmann ayaa xabbadkiisa ku dejiyey kubadda kaddibna ku qabtay goolka kubbad fooli ah, hase yeeshee goolhaye Herrera ayaa gacan xoog badan iskula kala bixiyey.

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo shaqo cajiib ahayd ka qabanayay khadka dhexe iyo duleedka goolka Osasuna ee ay ciyaartoyda badani waardiyaynayeeen ayaa waxa uu kubbad u dhiibtay Coutinho bannaanka xerada ganaaxa, waxaanu ku toogtay goolka markiisii ugu horreysay. Kubaddaas ayaa ka dhex baxday laba ciyaartoy oo hortiisa joogay, inyar ayaanay birta u martay.

Martin Brithtwaite ayaa jabiyey darbigii difaaca Osasuna waxaana uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu goolhaye Herrera kasoo badbaadiyey Coutinho, waxaanu ciyaarta ka dhigay 1-0.

Dhamaadka qaybta hore oo ay saddex daqiiqadood oo kali ahi ka dhiman tahay ayay Barcelona heshay goolkeeda labaad waxaana u dhaliyey Griezmann oo fursad helay kaddib markii uu Moncayola iska soo celiyey karoos ka yimid Alaba, laakiin kubaddaas madaxa ahayd ayuu goolka ugu hordhigay Griezmann oo isaguna aan wax fursadf ah siinin goolhaye Herrera, ciyaartana ka dhigay 2-0.

Qaybtii labaad ayay Barcelona wacdaraheeda sii wadatay, waxaana bilowgiiba laba kubbadood oo halis ah oo goolal noqon karayay iskugu jawaabay Osasuna iyo Barcelona.

Coutinho ayaa ciyaarta ka dhigay 3-0 daqiiqaddii 57aad, waxaana kubbad uu khadka dhexe uga dhiibtay Braithwaite ugu dambayntii ay isku heleen Griezmann oo ka caawiyey inay dhalato.

Lionel Messi ayaa ugu dambayntii goolkiisu yimid daqiiqaddii 73aad, waxaanu shabaqa ku xaqiijiyey baas uu ka helay Trincao, iyadoo natiijada ciyaartuna noqotay 4-0.

Xiddiga reer Argentina ayaa markii uu goolka dhaliyey waxa uu iska siibay shaadhkiisa Barcelona, waxaanu lasoo baxay garanka kooxda Newell’s Old Boys uu u xidhan jiray Diego Maradona, taas oo Messi na uu da’yaraantiisii u ciyaari jiray

Osasuna ayaa dedaal ay samaysay waxyar ka hor goolka Messi uu goolka afraad kusii quusinin.

Ousmane Dembele oo beddel kusoo galay ayaa ku dhowaaday inuu gool dhaliyo, laakiin ugu dambayntii waxay natiijada ciyaartu kusoo idlaatay 4-0 ay guushu ku raacday Barcelona.

Guushan ayay Barcelona kusoo gashay kaalinta 7aad iyadoo yeelatay 14 dhibcood, waxaanay 9 dhibcood ka dambaysaa Atletico Madrid iyo Real Sociedad oo min 23 haysta balse ay Sociedad kulankeedu dhiman yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More