Lacagta Arsenal Kaga Baxday Mesut Ozil TODDOBADII Sannadood

Maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga 2013kii ayay Arsenal lasoo saxeexatay Mesut Ozil oo waqtigaas noqday ciyaartoygii ugu qaalisanaa kaddib markii ay Real Madrid u shubtay lacag dhan £42.4 milyan oo Gini.

Kubbad-sameeyahan ayaa qayb ka noqday jiilkii uu gacanta ku dhigay Arsene Wenger, waxaana dhamaadka shantiisii sannadood ee hore loo kordhiyey qandaraaska iyadoo mushaharkana sare loogu qaaday.

Markii ay Arsenal lasoo saxeexanaysay, Ozil waxa Real Madrid uga diiwaangashanayd in labadii ciyaarood ee kasta uu ugu yaraan hal caawin sameeyo, isla markaana uu raacsado gool dhalin uu mararka qaarkood ku kabayay caawintiisa.

159 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid waxa uu caawiye ka noqday 80 gool oo ay asxaabtiisu dhaliyeen, iyadoo inta ugu badanna uu lugta iyo madaxa u saaray Cristiano Ronaldo oo uu u ahaa quudiyaha ugu weyn ee uu kubbadaha ka helo.

Xili ciyaareedkii 2011/12 waxa uu Mesut Ozil caawiyey 28 gool, taas oo ahayd midda ugu badan ee laga sameeyey qaaradda Yurub waqtigaas, illaa haddana uu ugu suntan yahay boqorka caawinta.

September 2013 ayuu soo gaadhay xarunta tababarka Arsenal ee London Colney oo uu kula midoobay ciyaartoyda Arsenal ee uu waqtigaas ku biiray, waxaanu markiiba si fiican ula qabsaday kooxda oo uu hoggaamiye u noqday, iyadoo uu isku darsaday caawin iyo waliba dhalin.

Arsene Wenger oo uu u ahaa xiddigiisa ugu weyn ee uu haysto ayaa January 2018 waxa uu u kordhiyey heshiiska iyadoo mushaharkiisana laga dhigay £350,000 Gini toddobaadkii, taas oo uu ku noqday ciyaartoyga horyaalka Premier League ugu mushaharka badan.

Heshiiskan cusub oo saddex sannadood ah, waxa uu ku egyahay xagaaga xili ciyaareedkan ama June 2021, balse waxa uu taagan yahay xaalad xun oo ah in laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee horyaalka Premier League iyo tartanka Europa League intaba.

Tababare Mikel Arteta oo bilowgii hore ay si fiican iskula jaan-qaadeen, ayaa mar kaliya dhabarka u jeediyey Ozil, iyadoo ay kooxdu ku riixayso inuu iskaga tago Emirates ka hor inta aan la gaadhin waqtiga uu dhacayo heshiiskiisu.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa lacagta Arsenal ay ku kharash garaysay Ozil muddadii toddobada sannadood ahayd ee uu joogay.

Lacagtii lagaga soo iibsaday Real Madrid: £42.4 milyan oo Gini

Mushaharkiisa sannadihii u dhexeeyey 2013-2018: Toddobaadkii £140 kun Gini oo u dhigmaysa £7.28 milyan sannadkii.

Mushaharkiisa intii ka dambaysay heshiiska cusub ee 2018-2021: £350 kun Gini toddobaadkii, oo u dhiganta £18.2 milyan sannadkii.

Isu-geynta mushaharka uu qaatay tan iyo maalintii uu saxeexay heshiiska: £74.4 milyan oo Gini.

Isu-geynta lacagta Arsenal kaga baxday Ozil ee mushaharka iyo iibkiisii: £116.8 milyan oo Gini.

Si kale u dhigid

Haddii aynu si kale u dhigto, gool kasta oo uu dhaliyey, caawin kasta oo uu sameeyey iyo ciyaar kasta oo uu u saftay intii uu Arsenal joogay haddii loo beddelo lacagta ku baxday waxay noqonaysaa:

Gool kasta oo uu u dhaliyey: £2.6 milyan oo Gini ayuu Arsenal ku joogaa

Caawin kasta oo uu sameeyey: £1.5 milyan oo Gini ayay Arsenal ku joogtaa

Ciyaar kasta oo uu saftay: £459,000 Gini ayey Arsenal ku taagan tahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More