Kylian Mbappe Oo Loo Diiday Lambarkiisa Riyada Ee Real Madrid Laakiin Mari Kara Wadadii Cristiano Ronaldo.

Kylian Mbappe ayaa qarka u saaran inuu lumiyo lambarka riyadiisa ee Real Madrid ka dib markii Luka Modric uu ogolaaday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda.

Real Madrid ayaa isniintii dhamaystirtay saxiixa Mbappe kaas oo qalinka ugu duugay heshiis 5 sano ah.

Waxa la filayay in uu dhaxlo lambarka No.10 ee Real Madrid oo ay kooxda u soo xidheen Luis Figo, Clarence Seedorf, Mesut Ozil & Ferenc Puskas.

Laakiin Mbappe ayaa haatan sugi doona ugu yaraan hal sano oo kale si uu u helo lambarka No.10.

Modric ayaa haatan xiran No. 10-aad waxaana si weyn loo hadal hayay in uu qarka u saaran yahay in uu saxiixo heshiis cusub oo hal sano ah si uu u sii joogo Bernabeu.

Sida laga soo xigtay majaladda Faransiiska ee Le Parisien, xiddiga ku guulaystay Ballon d’Or 2018 ayaa  ayaa sii haysan doona No.10 inkasta oo uu Mbappe yimid kooxda.

Mbappe ayaa sidaas darteed si ku meel gaadh ah u xidhan doona No.9 kaas oo uu baneeyay Karim Benzema oo ka tagay Real Madrid sanadkii hore.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale xidhay funaanada xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeysay ee Madrid, ka hor inta uusan qaadan lambarka 7 ka dib markii halyeeyga kooxda Raul uu u dhaqaaqay Schalke.

Mbappe ayaa mari doona wadadaas waxana uu xilli ciyaareedka dambe xidhan doonaa No.9 ka hor inta uuna Modric kala wareegin Lambarka No.10 marka uu ka tago kooxda xilli ciyaareedka xiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More