Ku Qoro Lacagta Aad Doonto!! PSG Oo Jeeg Madhan Oo Lacagta U

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa jeeg madhan oo lacagta uu doono uu ku qoran karayo farta ka saaraysa kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo heshiiska uu kula jiro kooxdiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa ka gaabinaysa inay si degdeg ah uga halwgasho in kabtankeeda ay siiso heshiis waqti kordhin ah, iyadoo isasiinaysa kalsooni ah in aanu meelna uga soconin oo waqtiga ay doonaan ay u bandhigi karayaan qandaraas cusub.

Laakiin kooxda reer France ee PSG ayaa la sheegay inay lacag waalli ah oo mushahar ah u bandhigayso Sergio Ramos si ay ugu qanciso inuu si bilaash ah ugu soo wareego bisha June ee sannadka dambe.

Ramos ayaa la sheegay inay kala aragti duwan yihiin kooxdiisa Real Madrid oo ku dhegsan siyaasaddeeda ah in ciyaartoyda ay da’doodu ka weyn tahay 30 jir aanay markiiba siinin heshiis ka badan hal sano, halka uu difaacanna doonayo in laba sannadood oo heshiis ah la siiyo.

Sida uu sheegay wariye Jose Alvarez oo ka hawl-gala wargeyska El Chiringuito, isla markaana uu soo xigtay wargeyska kale ee AS ee kasoo baxa waddanka Spain, agaasimaha kooxda kubadda cagta PSG, Leonardo ayaa ka shaqaynaya sidii uu kooxda u keeni lahaa Sergio Ramos, halka maamulka kale ee naadigaasina dareensan yahay in sirta guulaha ay raadinayaan ay ka heli doonaan Ramos oo kusoo biira.

Wariyuhu wuxuu intaa ku daray in PSG ay u ballan-qaadday Ramos mushahar aad uga badan inta uu Real Madrid ka qaato waqtigan, isla markaana loo dhiibayo jeeg madhan oo uu isagu ku qoran doono lacagta uu mushahar ahaanta u doonayo in loo siiyo iyo heshiis dhan sannadaha uu ka doonayo kooxdiisa.

Sergio Ramos ayaa sannadkii 2005 ay Real Madrid kala soo saxeexatay Sevilla, waxaanu u saftay 462 ciyaarood, isaga oo u dhaliyey 100 gool.

Waxa uu kula guuleystay 22 koob oo ay ku jiraan SHAN horyaalka LaLiga ah iyo AFAR Champions League.

Laacibkan ayaa maalmihii ugu dambeeyey kasoo muuqanayey bogagga hore ee warbaahinta dunida iyagoo wada-sawiran David Beckham oo doonaya inuu geeyo kooxdiisa Inter Miami ee ka dhisan waddanka Maraykanka.

David Beckham ayaa dhisaya koox ciyaartooyo magac weyn leh, waxaanu hore ula saxeexday Gonzalo Higuain iyo Blaise Matuidi.

Tababare Zinedine Zidane oo dhowaan wax laga weydiiyey mustaqbalka 34 jirkan, ayaa yidhi: “Isagu waa kabtankayaga, waana hoggaamiyahayaga. Waxaanu doonaynaa inuu halkan joogo waligiiba, shakina nagagama jiro inuu sii joogi doono oo uu sii wado doono inuu taariikh sameeyo.”

Si kastaba, bisha January ayuu Sergio Ramos xor u noqon doonaa inuu wada-hadallo aan qarsoodi ahayn la yeesho PSG iyo kooxaha kale ee doonaya, haddii inta ka horreysa ay Real Madrid isla meel dhigi waayaan heshiis cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More