Kooxdii Hogaamineysa Horyaalka Premier League Oo Dhulka Lala

Southampton ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed dhameystiran iyagoo soo gabagabeeyya rikoodhkii guuldarro la’aanta Premier League ee Everton iyagoo ku garaacay 2-0 kulankii ka dhacay maanta garoonka St Mary’s.

Goolal ka kala yimid James Ward-Prowse iyo Che Adams ayaa ka caawiyay kooxda Southampton inay dhulka la jarto kooxda hogaamineysa horyaalka, iyadoo tababare Ralph Hassenhuttl uu ku qancay qaabka ciyaareedka dhameystiran ee ay soo bandhigtay kooxdiisa.

Kooxda Everton ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed laga niyadjabo iyagoo laga aamusiyay xiddigahooda James Rodriguez iyo Dominic Calvert-Lewin oo awoodi waayay inuu shabaqa soo taabto kulankii lixaad ee isku xigta.

Xaalada ayaa ku sii xumaatay tababare Carlo Ancelotti iyadoo Lucas Digne uu ka qaatay kaar casaan toos ah ka dib markii uu qalad ku galay Kyle Walker-Peters.

Natiijadaan ayaa la micno ah in Everton ay weli 13 dhibcood ku heyso hogaanka horyaalka Premier League, laakiin waxay natiijadaan fursad u noqotay Liverpool oo iyagana 13 dhibcood la wadaaga kooxda deriskooda ah.

Everton ayaa hogaanka ku heysa farqigooda goolasha oo ah shan gool halka Liverpool farqigeeda goolasha uu yahay kaliya hal gool.

Southampton ayaa iyadana soo gashay kaalinta 5aad iyagoo leh toban dhibcood.

Liverpool ayaa fursad u heleysa inay hogaanka Premier League ugu yaraan si ku meel gaarka ah kula wareegto marka ay martigelinayaan West Ham United Sabtida soo socota madaama Everton ay ciyaareyso maalinta ku xigta ee Axada iyagoo la dheeli doona Newcastle United oo ay marti u yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More