Karim Benzema Oo Qaaday Tallaabo Waayeelnimo Kaddib
Karim Benzema ayaa raaligelin ka bixiyey ficilkii uu kula kacay Vinicius Junior kulankii Real Madrid ay barbarraha 2-2 lasoo gashay Borussia Monchengladbach, taas oo intii ay socotay uu ka dalbaday Ferland Mendy in aanu kubadda siinin Vinicius oo uu ku eedeeyey inuu u ciyaarayo kooxda kasoo horjeedda.
Benzema ayaa lagu dhaliilay qaabka uu ula dhaqmay Vinicius oo lumiyey kubbado badan, taas oo qaybtii dambe uu ka dhigay go’doon kaddib markii uu u sheegay Mendy oo ay isku dhinac joogeen, kubbadaha ugu badanna siinayay in aanu baas dambe u dhiibin.
Arrintan oo ka dhacday tuunalka garoonka markii lagu soo laabanayay qaybta labaad, ayaa waxa hadalladan si toos ah u maqlayay Vinicius Junior.
Laakiin laacibka reer France ayaa xaaladda caadi kusoo celiyey kaddib kulankaas, waxaana uu raalligelin siiyey da’yarka reer Brazil, sida uu qoray wargeyska Marca.
Labada ciyaartoy ayaa la fahamsan yahay inay kulan yeesheen oo uu Benzema ka qanciyey da’yarkan sababtii ku kalliftay hadalkaas iyo in aanay jirin ujeeddo nacayb uu u qabo oo uu noocaas ugula hadlay balse ay ahayd mid ay ka keentay guusha kooxda iyo ciyaar wanaagga ee uu doonayay, xilli lagu lahaa gool.
Warku wuxuu intaa ku daray in xurguftaas uu Benzema meesha ka saaray oo uu xidhiidhkoodu caadi kusoo noqday Vinicius Junior iyo Benzema.
Muuqaal daawasho ah oo ay kaamirooyinka garoonku qabteen ayaa waxay soo bandhigeen Benzema oo luuqadda Faransiiska kula hadlaya Mendy iyadoo ay ciyaartoyda kalena maqlayaan, kuna leh: “Isaga kubbad hala ciyaarin. Hooyaday ayaan ku dhaartaye isagu (Vinicius) wuxuu u ciyaarayaa kooxda inaga soo horjeedda.”
Ferland Mendy ayaa isaguna ugu jawaabay: “Wax faa’iido leh ma samaynayo. Marka uu baqdo wuxuu luminayaa wixii uu ku noqon lahaa ciyaartoy wanaagsan.”