Jamaahiirta Manchester United Oo Doortay Shaxda Ay Doonayaan

Taageereyaasha Manchester United ayaa doonaya in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ku dhegsanaado shaxda dheemanta ah ee khadka dhexe ee sida cajiibka ah u shaqaysay kulankii RB Leipzig.

United ayaa ku ciyaartay afar laacib oo khadka dhexe ah, iyadoo uu Solskjaer ka guuray qaabkiisii hore ee saddexda ciyaartoy uu dhexda dhigi jiray, waxaana uu doorkiisa siiyey saxeexa cusub ee Donny van de Beek oo muddo saacad ah ka talinayay khadka dhexe oo isaga u kala xidhnayd.

Paul Pogba oo isaguna kusoo bilowday ayaa ahaa midkii baaska quruxda badan qaybta hore u dhiibay Mason Greenwood oo isaguna ku taabtay goolka RB Leipzig, iyadoo ay Red Devils u muuqatay inay badqab tahay oo ay ciyaartana dili karaysay balse qaybtii labaad oo ay soo galeen Bruno Fernandes, Rashford iyo McTominay ayay guusha si dhab ah u go’aamiyeen, isla markaana afar gool oo kale saxeexeen.

Kulanka Leipzig, United waxay u isticmaashay Van de Beek inuu caawiyo ciyaartoyda weerarka, halka Pogba, iyo Fred ay khadka dhexe joogeen, sidoo kalena uu Nemanja Matic ilaalinayay difaacyahannada. Haddii Solskjaer uu shaxdan ku ciyaaro kulanka Arsenal, waxay fursad weyn u noqon doontaa Marcus Rashford oo ciyaartoyda dhexda inta ay ku jeedaan isaguna fursado ka heli doona.

Solskjaer ayaa la filayaa inuu kusoo bilaabo Scott McTominay, Bruno Fernandes ama Juan Mata oo ay khadka dhexe kusoo bilowdaan, balse waxay jamaahiirta Red Devils doonayaan inay mar kale arkaan shaxdii RB Leipzig ee u ogolaatay Rashford inuu saddexlay dhaliyo iyadoo uu 27 daqiiqadood garoonka ku jiray.

Wargeyska MEN ayaa afti ka qaaday taageereyaasha, waxaanu weydiiyey shaxda ay jeclaan lahaayeen in kooxdoodu kula  ciyaarto Arsenal Axadda toddobaadkna.

3,660 qof oo kasoo jawaabay, ayay intooda badan oo 63.7 boqolkiiba ah ay doorteen inuu Solskjaer ku ciyaaro qaab 4-1-2-1-2 ah, taas oo ah in Nemanja Matic uu dhexda dambe ee difaaca hortooda ka ciyaaro, Pogba iyo Fred ay dhexda joogaan, Donny van de Beek na dhexda hore tago oo uu caawiyo weeraryahannada kooxda oo iyaguna laba ah.

21.8% ayaa iyaguna doortay shax ka kooban 4-2-3-1 oo awoodda, halka 12.9% ay iyaguna soo xusheen shaxdii ay Manchester United kula ciyaartay PSG ee 4-3-3 ama 4-2-2.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More