IOM oo sheegtay in Biyaha Senagal ay ku dhinteen 140

War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa lagu sheegay in xeebaha dalka Senegal ay ku dhinteen dad gaaraya 140-ruux oo doonayay in ay tahriib ku galeen Qaaradda Yurub.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in dadkaan ay la socdeen doon ka shareecatay Xeebaha Senegal oo guud ahaan qiyaastoodu ahayd 200-ruux, balse ay quustay inta aysan ka dhamaan Biyaha dalkaas, inkasta oo aan la sheegin dhalashada dalalka ay kasoo jeedaan.

Dhacdadaan oo qarsooneed ayaa dhacday Sabtidii 24/October/2020, waxaana tan & xiligaas socday baaris la xiriirta sida ay wax u dhaceen, raadinta dadka aan la xaqiijin Geeridooda iyo gurmadka lagu daabulayo meydadka.

Warbaahinta gudaha Senegal ayaa daabacday in doonta dab qabsaday, waxaana suuragashay in lasoo badbaadiyo 60-ruux oo ay iska kaashadeen badbaadintooda Ciidamada Senegal, kuwa Spain & kalluumeysato.

IOM ayaa tilmaamtay in bilawgii hore sheekadaan in ay gacanta kusoo dhigeen 59-oo nool & meydadka 20-kale, halkaas waxaa laga ambaqaaday raadinta dadkii kale ee la socday doonta quustay.

Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Dalka Senegal ayaa soo jeediyay olole caalami ah oo wax looga qabanayo tahriibka oo sababa dhibaato nololeed, maadaama ay ku nafwaayaan dadka ku dhaqaaqa falkaas.

Senegal oo dhacda Galbeedka Afrika kama mid ahayn liiska dalalka Tahriibayaasha ay ka baxaan si ay u gaaraan Waddamada qaaradda Yurub oo ay u arkaan in ay ku helayaan nolol dhaanta tan ka jirta dalalkooda.

Dowladda Spain ayaa sheegtay in 26% dadka ka safra Galbeedka Afrika in ay caga dhigtaan Jasiiradda Canary, sanadkaan oo kaliya waxaa gaaray 2,557-tahriibe, halka sanadkaan oo kaliya ay gaareen 11,000-ruux oo Tahriibayaal ah.

Isha: Anadolu Agency /   Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More