Kaddib Dhaawacii Gomez, Waa Kuwan SHAN Difaac Oo Dunidu

Jurgen Klopp ayaa ku qasban inuu ka laabto go’aankiisii ahaa in aanu lasoo saxeexan doonin difaac marka la gaadho bisha Januay, iyadoo uu hadalkaasna jeediyey xagaagii oo uu diiday in kooxdiisu u baahan tahay difaacyahanno.

Tababaraha reer Germany ayaa hadda suuqa indho-indhaynaya, waxaanu niyadda ka jeclaysanayaa haddii waqtigu soo degdegi lahaa oo bisha January ay toddobaadkan bilaabmi lahayd, si uu ula soo saxeexdo difaacyahanno cusub.

Reds oo uu bishii hore ka dhaawacmay Virgil van Dijk oo xili ciyaareedkan oo dhan maqnaanaya, ayaa waxa ka daba tegay Joe Gomez oo maanta uu dhaawac culus soo gaadhay isaga oo tababar la qaadaya xulka qaranka England ee isku diyaarinaya kulamada caalamiga ah.

Dhaawacan ayaa la rumaysan yahay inuu yahay halis oo ay u badan tahay in sida Van Dijk oo kale uu xili ciyaareedkaba maca-salaameeyo.

Joel Matip ayaa ah difaaca kaliya ee kooxda koowaad ah ee la garnayao ee Liverpool usoo hadhay, wxaanay tani ku keenaysaa Klopp in bishan November uu indho-indheeyo difaacyahannada tayada leh ee ay kooxdiisu heli karayso, isla markaana xallin karaya dhibaatooyinkan, isla markaana uu bisha December sii bilaabo wada-xaajoodkooda si uu ula soo saxeexdo horraanta bisha January.

Wargeyska Daily Star ayaa daabacay shan difaac oo Jurgen Klopp uu doonayo in ugu yaraan ay midkood lasoo saxeexdaan bisha January, waxaanay kala yihiin:

Kalidou Koulibaly: Dhab ahaantii lacag badan ayay u baahanayaan si ay difaacan ugala soo saxeexdaan Napoli, waxaana la rumaysan yahay inuu sida ugu habboon u xallin doono mashaakilaadka difaac ee soo food-saari doono Liverpool, iyadoo marka dambena uu xulashada koowaad kula soo bixi doono Virgil van Dijk oo uu xataa boos la’aan ka dhigi doono Joe Gomez marka uu dhaawaca kasoo laabto.

Labada kooxood ee Manchester City iyo Manchester United ayaa laacibkan lala xidhiidhinayay xagaagii tegay, illaa haddana aan ka hadhsanayn, inkasta oo City ay lasoo saxeexatay Ruben Dias.

Conor Coady: Khabiirka ciyaaraha ee Mark Lawrenson ayaa hore ugu tilmaamay difaacan inuu yahay mid marka horeba la moodo in qaab-ciyaareedkiisa loogu talo-galay inuu Anfield ka ciyaaro. Waxa uu tiir dhexaad u yahay Wolves.

Dayot Upamecano: RB Leipzig ayuu rukunka ugu adag ee khadkeeda difaaca u yahay, waxaanu leeyahay khibrad badan oo ciyaareed oo xili ciyaareedkii hore uu kaga caawiyey kooxdiisa inay tagto semi-finalka Champions League.

Waxa uu ku fiican yahay kubbadaha sare ee madaxa ah iyo baas-dhiibidda oo la moodo sidii ciyaartoy khadka dhexe ah.

Upamecano waxa kale oo xili ciyaareedkii hore uu ku jiray difaacyahannada ugu cidhiidhinta badan, taas oo ah waxa uu Jurgen Klopp u baahan yahay.

Milan Skriniar: Inter Milan ayuu u ciyaaraa laakiin muddooyinkan dambe waxa uu ku jiray kaydka iyadoo uu tababare Antonio Conte ka doorbiday xiddigaha kale ee uu haysto.

Milan Skriniar oo lagu qiimeeyey lacag dhan £54 milyan oo Gini xagaagii tegay, waxay Inter diyaar u tahay inay iibiso laakiin ay lacag fiican ka samayso.

Tottenham ayaa kursi gaaban ugu fadhida, balse Liverpool waxay haysataa sumcadda iyo fagaaraha ay ciyaartoydu kaga dooran karayaan Tottenham.

Ozan Kabak: Liveprool ayaa hore loola xidhiidhiyey Ozan Kabak markii uu dhaawacmay Virgil van Dijk iyo intii ka horreysayba, waxaana xataa uu wargeyska Sport Bild uu shaaciyey in kooxdiisa Schalke ay ogolaanayso haddii ay Liverpool miiska soo saarto £23 milyan oo Gini.

Xiddigan reer Turkey ayaa waxa uu bandhig wanaagsan ka sameeyey horyaalka Bundesliga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More