“Kac Buuranaw” – Hadaladii Dhex Maray Pique, Suarez & Ter Stegen

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa shalay ku kulmay gegida Camp Nou ciyaar muhiim u ahayd tartanka horyaalka La Liga oo lagu go’aamin karayay kooxda hananaysa xilli ciyaareedkan.

Kulankaas ayaa noqday mid ay ku kala bixi waayeen labada kooxood oo bar-bardhac 0-0 ah ku heshiiyay, mid kamida waxyaabaha isha lagu hayay inta ciyaartu socotay ayaa ahaa in Luis Suarez uu dib ula midoobayo asxaabtiisii hore.

Suarez ayaa inta ciyaartu socotay dhibaato ku ahaa daafaca kooxdiisii hore ee Barcelona isaga oo dhawr jeer isku dayay inuu rigoore ku raadsado walow uusan garsooraha ciyaartu waxba u dhigin.

Xiddiga ay inta ugu badan is hayeen Suarez ayaa ahaa daafaca dhexe ee Gerard Pique kaas oo dhawr jeer qalad ku galay iyadoo la arkayay inay wada hadlayeen inta ciyaartu socotay.

Sida uu sheegayo wargeyska Spain kasoo baxa ee AS, Pique ayaa mar uu qalad ku galay Suarez oo dhulka yaala ku yidhi “Soo kac buuranaw, ha i khiyaamin”

Markale wargeyska MARCA ayaa xusaya in Suarez oo dareemay inuu Pique isaga oo kaliya ilaashanayo ku yidhi “Halkaas joog, halkaas joog, waad i raadinaysaa” isaga oo iska reebayay.

Markale goolhaye Marc Andre Ter Stegen oo dareemay in Suarez uu rigoore ku raadinayo mar uu madaxiisa kubadda kahor taabtay ayaa ku yidhi “Hey Luis, maaha sidaas oo kale (Inaad samayso)”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More